Ciidanka Booliska oo toogtay Nin Dhaawacay Askari

Wararka Maanta

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo maanta toogtay Nin hubeysnaa oo dhaawacay Askari katirsan Ciidanka Dowladda Soomaaliya.

Falkan ayaa ka dhacay Igsooyska Bakaaraha ee magaalada Muqdisho,waxaana uu yimid kadib markii Ninka hubeysan uu dhaawacay Askari katirsan Ciidanka Dowladda, balse Askari kale oo goobta ka agdhawa uu maqlay Rasaasta,isla markaana waxaa la tilmaamay in Askariga uu toogtay Shaqsii watay Bastoolada ee Askari kale dhaawacay.

Sidoo kale Warar kale ayaa sheegaya in Nin kale oo la socday Ruuxa la toogtay uu baxsaday,kaas oo sida la tilmaamay watay Mooto Fekon.

Wali faah faahin intaas ka badan lagama hayo Weerarkaas,walina kama aysan hadlin Laamaha Amniga ee dowladda weerarkan maanta ka dhacay isgooyska Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

Sikastaba ha ahaate magaalada muqdisho ayaa inta badan waxaa ka dhaca dilal qorsheysan oo loo geysto Ciidamada Dowladda,waxaana dilalkaasi inta badan dusha saarta Kooxaha Al-shabaab iyo Daacish ee ka dagaalamaya Soomaaliya.