Madaxweynaha Maamulka Ahlusuna Waljameeca Sheekh Maxamed Shaakir cali Xasan ayaa Dowlada Soomaaliya ku eedeeyey inay qeyb ka tahay Guul-darada Wada hadaladii Galmudug iyo Ahalusun kuwaas oo xal loogu raadinayey Khilaafka Siyaasadeed ee mudda u dhexeeyey labada dhinac.
Axmed Shaakir oo Shalay kusoo laabtay degmada Guricel ayaa Sheegay Dowlada Farmaajo ku socoto wadadii dowladii hore, isagoo baaq u diray Dowlada Dhexe ee Soomaaliya inay dhex-dheexaad ka noqoto arimaha labada maamul maadaama Sida uu Sheegay Dowladiihi ee Soomaaliya ay ku guul darsatay in xal laga gaaro arintaan.
Wadahadalada labada dhinac ayaa la filayaa in ay dib u bilowdaan kadib doorashada Madaxweynaha Galmudug, oo la qorsheeyey in Cadaado lagu doorto maalinta Arbacada.