Tababarihii Hore Ee Barcelona Luis Enrique Oo Macquul Tahay Inuu Layliyo Kooxda Shanghai Shenhua

Ciyaaraha

Luis Enrique ayaa u muuqda inuu diirada u saaran yahay kooxda horyaalka China Super League ee Shanghai Shenhua.

Tababarihii hore ee Barcelona ayaa raacay wadadii Pep Guardiola waxaana uu doorbiday inuu qaato 12 bilood uu kaga nasto shaqada ka hor inta aanu dib ugu laaban kadib markii uu ka soo tagay Camp Nou dhamaadka xilli ciyaareedka 2016-17.

Sida laga soo xigtay Tomomercadoweb, kooxda ka ciyaarta horyaalka CSL ayaa ka dhawaajisay in Enrique  ay u muujinayso rabitaankeeda ah inuu noqodo tababarahooda xilli ciyaareedka soo socda, oo bilowda bisha March.

Tababaraha haatan ee Shanghai Shenhua Gus Poyet ayaa lagu soo waramayaa in  xilli ciyaareedka soo socda uu kooxda isaga tago, ka dib markii uu xilli ciyaareedkii hore ku guul darreystay horyaalka, taasoo soo bandhigtay qaab ciyaareedka ugu hooseeya ee horyaalka iyadoo ku dhameystay booska 11aad.

Kooxda ka dhisan Hongkou Football Stadium ayaa lacag badan ku qarashgareysay xoojinta kooxdooda, waxaana ka mid ah ciyaartoyda ay la wereegeen  weeraryahanka reer Argentina Carlos Tevez oo ah ciyaaryahanka adduunka ugu mushaarka badan.

W/Q Hafsa haji