Sawirro: Ciyaarihii Olombikada oo xalay la soo gaban gabeeyey

Wararka Dibadda Wararka Maanta

Ciyaaraha olombikada ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Rio dejenero ee dalka Brazil ayadoo lagu soo afmeeray xaflad si aad ah loo soo agaasimay.

Ciyaarahaa ayaa waxaa marka xigta sanadka 2020 waxaa lagu qaban doonaa Tokyo Japan. Ciyaarahaa oo qaatay 16 maalmood ayaa waxaa kasoo qeyb galay 11, 303 cayaartooy oo dalalka caalamka ka kala yimid.

Caalamka oo idil ayaa daafihiisa ciyaarahaa talefishinada iyo idaacadaha lagala socday iyo weliba qeybaha kale ee warbaahinta. Dhanka Soomaalida ama dadka asalkoodu Soomaalida yahay wadanka ay rabaanba ha u dheeleene waxaa ugu cadcadaa Maxamed Faarax (MO Farah) ciyaraahaa.

Orodyahanka Soomaali Ingiriiska ah ee Maxamed Faarax (MO FARAH) ayaa mar kale asagu qaaday orodka 5ta kun ee mitir. Asagoo ka qeyb qaadanaya ciyaaraha OLOMBIKADA ee haatan lagu soo af meeray Rio ee dalkaasi Brazil ayuu difaacay rikoorkiisa isla markaana uu qaaday billada dahabiga ah ee orodka 5ta kun. Halkaa ayuu mar kale wacdaro ka muujiyay.

Taa ayaa ah billadiisa labaad ee dahabi ah ee ciyaarahaa Rio uu ka qaato. Maxamed Faarax ayaa orodkaa kusoo xiray 13 daqiiqo 03.30 ilbiriqsi asbuucii tagayna wuxuu qaatay billada dahabiga ah ee 10ka kun ee mitir!

Maxamed Axmed oo u ordaayay Canada ayaa asagu galay kaalinka 5aad ee ciyaarihii 5ta kun asagoo ku bogay ilaa 13:05.94.

Sida Maxamed Faarax ayaa Maxamed Axmed wuxuu galay orodka 10ka kun asbuucii tagay balse wuxuu galay asagoon raali ka ahayn booska 32aad.

Balse booska 4aad markii uu kasoo galay orodkii Sebtidii ee 5ta kun asagoo qaatay billad nooca bronze ah ayaa dareenkiisa oo farax uu ku dheehnaa uu muujiyay.

‘Waxaan maanta dareemay inaan ugu dambeyn sideydii ku soo noqday’, sidaa ayuu yiri Maxamed Axmed.

Guud ahaan dalalka Afrikaanka ah waxaa halkaa biladaha ugu tiro badnaa kasoo helay Itoobiya iyo Kenya oo ah dal soo saara orodyahano badan oo wanaagsan.

2016822636074279594947590oly1 2016822636074279719188878oly2 2016822636074279844931270oly3 2016822636074279992281474oly5 2016822636074280115055119oly7 2016822636074280254579505oly8

Comments are closed.