Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti Maxamed Cali Xaamud ayaa maanta khudbad u jeediyay Xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Ugu horeyn waxaa kulanka hadal ka jeediyay Guddoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ka sheekeeyay heerarkii uu soo maray dhismaha Baarlamaanka Soomaaliyeed, isagoo xusay in Madaxweynaha Jabuuti uu kaalin weyn ku lahaa dhismaha Baarlamaan Soomaaliyeed oo la unko kaddib burburkii dowladdii dhexe.
Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in Baarlamaanka Federaalka uu xaliyay khilaafyo siyaasadeed oo xalintooda loo aadi jiray dalka dibaddiisa, isla markaana uu haatan yahay Baarlamaan awood u leh inuu khilaafyada siyaasadeed uu maareeyo.
Sidoo kale waxaa kulanka ka hadlay Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Maxamed Cali Xaamud oo xusay in Soomaaliya ay mareyso marxalad wanaagsan, isla markaana ay ka jirto rajo aad u weyn.
“Waxaan salaan idin kaga sugayaa Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Shacabka Jabuuti, marxalada ay haatan mareyso Soomaaliya waa mid wanaagsan rajo weyn ayaa ka jirta nabadeeda iyo horumarkeeda, waxaa u nimid inaan idin is barbar taagno, inaan midnimada iyo walaalnimada shacabka Soomaaliyeed taageerno”ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti ayaa noqonaya Guddoomiyihii labaad ee khudbad u jeediya Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyadoo Guddoomiyihii hore ee geeriyooday Idiris Arnoaud Cali uu khudbad u jeediyay Baarlamaankii 9aad.