Faafaahin Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho.

Wararka Maanta

Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan  Qarax maanta ka dhacay Warshadii hore ee Caanaha ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa ahaa Miinadda nooca dhulka lagu Aaso, waxaana la sheegay in lala eegtay gaari Nooca raaxad ah oo maraayay Warshaddii hore ee Caanaha ee Muqdisho.

Qaraxa meesha uu ka dhacay, waxaa ku sugnaa Ciidamo ka tirsan 14-ka October.

Darawalkii waday gaariga qaraxa lala eegtay ayaa waxaa soo gaaray dhaawac culus, waxaana sidoo kale dhaawacmay ruux kale oo la sheegay in uu gaariga saarnaa.

Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa goobta ka qaaday dhaawaca labada ruux ee saarnaa gaariga gaaribta ah ee Qaraxu ha leelay.

Ciidamada Ammaanka ayaa sidoo kale howlgallo ka sameeyay goobta uu Qaraxu ka dhacay.

Isha: Radio Risaala