Afar Qodob oo laga bartay Shirka Galmudug iyo Ahlu-sunna

Uncategorized Wararka Galmudug Wararka Maanta

Shirka Jabuuti ee Ahlu-sunna iyo Galmudug ayaa wili soconaya waxaana jira warar Sheegaya in isku soo dhawaansho labada dhican uu jiro waa Wafdiga uu horkacayo Madaxwaynaha Galmudug Xaaf iyo Shiikh Shaakir oo Ahlu-sunna Wafdigeeda Hugaaminaya oo la sheegayo in ay jiraan isfahan laga gaaray Awood Qaybsiga Maamulka Garahaan in Laysku daro Labada Baarlamaan. Ururka IGAD oo Fududaynaya Shirka ayaa doonaya in Saxiixa Qodobada Laysku af gartay ka dhaco Muqdisho halka Hugaamiyaasha Maamuladaan doonayaan in Jabuuti ku sixiixdaan waxaana jira Khilaaf ka dhashay arintaan oo u dhaxeeya IGAD iyo Madaxda Ahlu-sunna iyo Galmudug  Wadaadka Ruuxiga ah ee Ahlu-sunna Shiikh Maxamuud ayaa gaaray Jabuuti waxaana suragal inuu Ahlu-sunna u saxiixo Qodobada laysla garto.Hadaba Waxaan halkaan inkugu soo gudbinaynaa Afar arin oo laga bartay Shirka Jabuuti.

1-in Ahlu-sunna kasoo dagtay Geedkii dheeraa oo ay saarnayd!.

Shirkaan maaha kii ugu horeeyay ee laysku dayayo in xal loo helo Mushkiladda Siyaasadeed ee Gobolada dhexe tan iyo Aasaaskii Galmudug waxaa la qabtay Shirar Dhowr ah si Ahlu-sunna laga dhaadhiciyo inay qayb ka noqdaan Nidaamka Galmudug ee ku dhisan Awood qaysiga beelaha daga Mudug iyo  Galgaduud.balse ururka Ahlusunna ayaa isku arkayay Cidda kaliya ee Xaqa u leh Maamulka Goboladaas inay ayaga tahay waxayna ku andacoonayeen in Alshabaab ka xoreeyeen Galgaduud kulankaan ka hor Ahlusunna ayay Dhib ku ahayd in la dhafariistaan Madaxda Galmudug waxaana kulamdii hore ahaayeen kuwa loo kala dabqaado. Shirka Jabuuti Ahlusunna waxaa Ka muuqda bilays Siyaasdeed oo ah in wax la wadaago.

2-Shirka Jabuuti waxuu mideeyay Aragtida Xaaf iyo ku xigeenkiisa

Kadib Khilaafkii Madaxda Galmudug Garahaan Madaxwayne Axmed Ducaalle Geelle iyo ku xigeenkiisa Maxamed Xaashi iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka markii ugu  horaysay ayay Xaaf iyo Carabey Safar Shaqo oo hal ujeeddo leh u wada aadeen Jabuuti si ay ula Xaaltamaan Ahlusunna.

3-Kala Aragti duwanaasha Siyaasdeed kama reebin Madaxda Galmudug iyo Ahlu-sunna inay Wada dhigaan Xuska (NNNKH)

Dadka Soomaaliyed wax kasta way wadaagaan sida Dal.Diin Dhaqan.Midab iyo Qoomiyad Madaxda Ahlu-sunna iyo Galmudugna waa dad Dhalasho wadaaga Balse waxaa musiibo noqotay inay ku kala duwanaadaan Aragtida Siyaasdeed ayagoo ay Hugaaminayso dantooda Shaqsiga ah.Si lamida  Soomaalida isku Diinta ah  ayay isku Aragti ka hiyiiin Arimaha Diinta waana tan keentay in Xuska NNNKH ku wada dhigaan hal Hotel oo ku yaala Magaalada Jabuuti .

4-Shirkaan waxuu Dadka Soomaaliyed Xasuusiyay Shirarkii dibadda loogu qaban jiray Madaxda Soomaaliya.

Somalia Xilligaan waxaa ka jira Dowlad adag oo Caalamku aqoonsan yahay taasoo awoodda Xallinta Khilaafaadka ka dhexjira Maamulada hoos yimaada waxaa kaloo la heli karaa Magaalooyinka Nabdoon oo lagu qaban karo Shir kasta oo lagu gaarayo Go’aano Masiiri ah sida Caasimaddi dalka ee Muqdisho intaas Waxaa dheer in Madaxda Jabuuti looga yeeray isku xigaan dal ahaan iyo dad ahaan waxaana Xarumo u kala ah labo Dagmo oo dhul ahaan  isku xiga.Arintaan waxaa dhaliilay Siyaasiin badan oo Soomaaliyed kuwaa oo qaba inay haboonayd in Shirka lagu qabto Gudaha Somalia doorka IGAD ee Shirkana ay lahayd Dowladda dhexe ee Somalia

Bulshada Gobolada Mudug iyo Galgaduud waxay sii eegayaan Jabuuti waxayna mar uun rajo ka qabaan is fahan ka dhex dhasha Madaxda Galmudug iyo Ahlu-sunna waxaa u soo yeeraya warar muujinaya Suurtagnimada inay rumowdo rajadooda Xili ay is hor fadhiyaan Hugaamiyaasha Maamuladii kala Aragtida duwanaa

Ceelhuuronline

W/Q Ali-yare Abdiwahab Aden

Comments are closed.