Duqa Muqdisho oo Daahfuray Dibu Dhiska Boondheere

Wararka Maanta

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Mag

aalada Muqdisho Mudane Thabib Cabdi Maxamed ayaa xalay xariga ka Jaray Daah furka dib u dhiska Degmada Bondheere iyo is-dhexgalka Bulshada.

Munaasabadda Xafladaasi ayaa waxaa soo diyaariyay Maamulka Degmada Boondheere ee Gobolka Benaadir, oo ay ugu horreyso Guddoomiyaha Degmada Boondhere Mro Seynab Yuusuf Wehliye oo halkaasi ka hadashay ayaa sheegtay in Bulshada ku dhaqan Degmada Boondheere ay yihiin Bulsho jecel Dowladnimada, islmarkaana ku xiran, kana Shaqeeya Degmada.

Munaasabadaasi oo si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa hadalo ka jeediyay Duqa Casimadda Muqdisho Mudane Thabit Cabdi Maxamed waxa uuna ka waramay wanaagga ay leeyihiin Dadka ku dhaqan Degmada Boondheere, isagoo ugu dambeynbtii Bulshada Boondheere kula Dardaarmay in ay ka shaqeeyan Aminga iyo Nadaafad Degmada Boondhere.

Hops ka Daawo Sawirada

Ceelhuur.com

@Sonna