Guddiga doorashadda Madaxweynaimadda maamulka Koonfur Galbeed ayaa ku dhawaaqay Jadwalka doorashada Madaxweynaha maamulkaas.
Guddiga doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa jadwalka doorashada u dhigay sidan:
- Diiwan galinta musharaxiinta Waa 22-23/11/2018
- Is xog wareyisiga guddiga doorashada 24/11/2018
- Hadal jeedinta musharaxiinta 25/11/2018
- Diyaarinta iyo Kormeerka goobta doorashada 26-27/11/2018
- Doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed 28/11/2018.
Olalaha Musharixiinta ayaa aad uga socda magaalada Baydhabo xarunta kumeelgaarka Koofur Galbeed.