Kenya oo ka Walwalsan Shabaab cusub ee gala Dalkeeda

Wararka Maanta

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay ku soo wajahan yihiin boqolaal ka mid ah dagaalyahanada Al-Shabaab ,kuwaas oo ka soo cararay duqeymaha dowladda Mareykanka ay ka waddo Koonfurta Soomaaliya.

Kenya waxa ay sheegtay in ay jirto cabsi weyn, maadaama ay doonaayaan dagaalyahanada Al-Shabaab in ay ka soo baxaan Soomaaliya , islamarkaana ay gudaha u galaan Kenya.

Saraakiisha ammaanka waxa ay sheegeen in ciidamo badan oo isugu jira Boolis iyo Militariga ay dhoobeen xadka Soomaaliya si ay uga hortaggaan in ay soo gudbaan dagaalyahanadaasi.

Agaasimaha Hawlgalka Kenya ka wado Kaymaha Booni, Joseph Kanyiri ayaa sheegay in  Al-Shabaab ay bilaabeen bixitaankooda Soomaaliya todobaadkii lasoo dhaafay.

Waxaa uu sheegay in dowladda Kenya ay u diyaar garowday in ay isdifaacdo si aysan dalkooda u galin ragga Shabaabka ka tirsan ee baxsadka ka ah duqeymaha.

Waxa uu sidoo kale tilmaamay in ay bilaabeen hawlgallo ka dhan ah Al-Shabaab, islamarkaana ay jirto cabsi badan.

Dadka Kenyaanka ee ku sugan Xadka Soomaaliya ayuu ugu baaqay hadii ay arkaan dagaalyahanada Al-Shabaab in ay ku soo wargeliyaan ciidamada ammaanka.

Dowladda Mareykanka ayaa bilihii lasoo dhaafay si weyn u xoojisay duqeymaha ay la beegsanayso meelaha ay ku sugan yihiin dagaalyahanada Al-Shabaab.