Maymuun: Geesiyaddii Mustaqbalka

Arimaha Bulshada Wararka Maanta

FB_IMG_1489429988768

Maymuun: Geesiyaddii Mustaqbalka

Kuwani waa Maymuun Nuur Axmed iyo walaalkeed oo ay xambaarsan tahay, ma hubo in wiilka yari uu og yahay waxyaabaha naxdinta leh ee sidii badweyn uga hugmaya qalbiga walaashiis Maymuun.

Maymuun waa 9 jir, waxay goobjoog u ahayd geerida hooyadeed iyo aabbaheed oo kala dambeeyay todobaadyo qura.

Sida warbaahintu ay sheegtay 3 todobaad ayay Maymuun ku qaadatay inay timaado xero ku taala Muqdisho oo la yiraahdo Rajab kadib markii kontomeeyo ari ah oo reerkoodu lahaa ay abaarta ku halaagmeen.

Maymuun iyo walaalkeed maanta waa hooyo iyo aabbe la’aan, waxaa malahayga u sii dheer inay xil gaar ah iska saareyso nolosha walaalkeeda ka yar oo ay waalid iyo walaal u tahay intaba, iyadoo aan aqoon ama aan garaneyn meel ay wax ka bilowdo.

Ma awoodo inaan sii wado qoraalkan kooban balse waxaan leeyahay ”Maymuun, adeer waxaa jira awood weyn oo naxariis badan oo aan marnaba dayici doonin adiga iyo walaalkaa, waxaan idiin rajeynayaa farxad aan dhammaan iyo mustaqbal sharaf iyo karaamo leh, waxaan kuu rajeynayaa inaad noqoto mid taariikhda Soomaalida baal dahab ah ka gasha, kaalinna ka qaadata mustaqbalka nolosha carruurta waalidkood xijjaabto iyagoo sabi ah, waxaad tahay geesiyaddii mustaqbalka ee garabkaaga Rabbi ha galo Insha’Allaah Maymuun…!!!”
Xigasho:- Qoraa #Hassan #Dhaaley