Arsene Wenger: Mesut Ozil heshiis lama gaarin Barcelona

Ciyaaraha

Tababaraha Arsenal Arsene Wenger ayaa beeniyay wararka sheegaya in Mesut Ozil uu horay u oggolaaday inuu u dhaqaaqo Barcelona.

29 jirkaan ayaa qandaraaskiisu dhacayaa dhamaadka xilli ciyaareedkan, waxaana la filayaa inuu ka tago Gunners xagaaga soo aadan ka dib markii uu ku guuldareystay inuu saxiixo heshiis cusub.

Ozil ayaa xor u ah inuu la hadlo kooxo ajaaniib ah bishaan Janaayo, laakiin Wenger ayaa beeniyay in ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Jarmalka uu durbadiiba ogolaaday inuu ku biiro Blaugrana xilli ciyaareedka soo aadan.

Isagoo la weydiiyay shirkiisa jaraa’id ee ka hor kulanka axada ee Burnley, hadii Ozil uu heshiis la gaaray kooxda Catalan hishiis, Wenger ayaa ku jawaabay: “Maya.

Ozil, oo Arsenal kaga soo biiray Real Madrid sannadkii 2013, ayaa dhaliyay hal gool, waxaana uu seddex gool caawiyey 10 kulan oo Premier League ah xilli ciyaareedkan Gunners.