Guddoomiyaha Midowga Afrika oo Muqdisho lagu soo dhaweeyey (Sawirro)

Uncategorized Wararka Maanta

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa xafiiskiisa madaxtooyada Soomaaliya ku qaabilay guddoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat oo maanta Soo gaaray magaalada Muqdisho.

C7MoMWIXQAAasYi

Guddoomiyaha oo markii uu kasoo dagay garoonka Muqdisho uu soo dhaweeyey Raiisul wasaaraha Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre ayaa madaxtooyada kula kulmay madaxweynaha oo ay ka wada hadleen arimo muhiim ah.

Madaxweynaha iyo guddoomiyaha midowga Afrika ayaa si gaar ah uga wada hadlay arimaha Abaaraha iyo Ammaanka.

C7MprLUXUAAplzk

Waa markii ugu horeysay ee Soomaaliya yimaado Mr. Moussa Faki oo dhawaan ku guuleystay xilka gudoomiyaha Midowga Afrika. Wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho ayaa xiran, waxaana ciidamadu ilaalo ka hayaan wadada dheer ee Maka almukarama.