Muqdisho:Rag lagu eedeeyay Sahminta Qaraxyada oo Maxkamad laso taagay

Wararka Maanta

Eedeysanayaal u qaabilsanaa Al-shabaab qarxinta goobaha maqaaxiyadaha ayaa kasoo hor muuqday Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya, waxaana eedeysanayaasha ay kala yihiin.

1) C/qaadir Abuukar Shaacir Max’ed.

2) Max’ed Cumar Akiile C/raxiin

3) Daa’uud Max’ed Cali Max’ud

4) C/laahi Ibraahin Geeseey

Xafiiska Xeer Ilaalinta maxkamadda CQS ayaa ka hor aqriyay eed lid ku ah eedeyanayaasha kala ah:-

C/qaadir Abuukar Shaacir Max’ed ayaa si gaar ah loogu eedeeyay sahminta iyo dhigisto baabuurta qaraxyada laga soo buuxiyo maqaayadaha dadku ku badan yihiin oo ku yaalo magaalada Muqdisho.

Waxaa ka mid ahaa goobihii ay xeer ilaalinta CQS ku muujisay gal dacwadeedkiisa Qaraxii ka dhacay Maqaayad ka soo horjeedka Hotel Wehliye, Taariikhdu markay ahayd 13/03/2017,halkaasoo ay ku geeriyoodeen tira lagu sheegay 10 ruux, sidoo kale Qaraxii ka dhacay Baar Italia Taariikhdu markay ahayd 08/05/2017, halkaas oo ay ku geeriyoodeen 10 Ruux oo kale, si lamid ah Qaraxii ka dhacay maqaayad ku taalo agagaarka wasaarada amniga ka soo horjeedka Wasaarada Sportiga Taariikhdu markay ahayd 05/04/2017, qaraxaas oo ay ku geeriyoodeen ku dhawaad 9 ruux.

Eedaysanaha 2-aad Max’ed Cumar Akiile C/raxiin, ayaa isna si gaar ah loogu eedayay ka mid ahaanshiyaha Kooxda Al-shabaab, iyadoo ciidamadu amnigu ay gacanta ku soo dhigeen isagoo wada gaarigii ku qarxay eenaayo degmada Xamar-weyne taariikhdu markay ahayd 15/05/2017.

Eedaysanaha 3-aad Daa’uud Max’ed Cali Max’ud, ayaa isna si gaar ah waxaa loogu eedeeyay ka tirsanaan Kooxda Al-shabaab, una qaabilsanaa Qaybta Faafisa Afkaarta Al-shabaab, isagoo ka howlgalay Gobolada Sh/hoose iyo Banaadir, sidoo kale waxaa lagu soo eedeeyay in uu taakulayn gaar ah siin jiray Qeybta Qaraxyada oo uu lacago siin jiray Eedaysanayaasha 1aad iyo 2aad marka ay qarax fuliyaan.

Eedaysanaha 4-aad C/laahi Ibraahin Geeseey, ayaa kala mid ahaa eedeysanayaasha ka mid ahaanshiyaha Al-shabaab, waxa uuna qaabilsaa Soo dajinta iyo iibinta gaadiidka qaraxyada lagu fuliyo, isagoo Al-shabaab u soo dejiyay gaarigii Saarufta ahaa ee ku qarxay kasoo horjeedka Wasaarada Amniga Qaranka, sidoo kale waxa uu soo dejiyay gaarigi ku qarxay wadada Maka Al-Mukarama, taariikhdu markay ahayd 03/07/2017.” sidaas waxaa garsoorka u sheegay Dhamme Muumin Xuseen Cabdullaahi oo kamid ah xeer ilaaliyaasha Ciidmada Qalabka Sida.

Qareenada difaacayay eedeysanayaasha ayaa codsaday in la soo gaba-gabeeyo kiiska hadii aysan jirin cadeymaha markhaatiyaasha ahaa ee saakay la horkeenay garsoorka balse dood dheer kadib ayaa xafiiska xeer ilaalinta waxa uu ka codsaday garsoorka Maxkamadda CQS in loo ogolaado in ay keenaan cadeymo dheeraad ah oo muujinayo dambiilayaasha eedooda, waxaana ugu dambeyn Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabk sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute amray xeer ilaainta in ay keenaan cadeymo dheeraad ah isagoo soo xiray dhageysigii markii 2-aad dacwadda eedeysanayaasha loo heysto qaraxyadii dadka badan ku dhinteen kuna dhaawacmeen ee ka dhacay maqaaxiyada qaar ee ku yaalo magaalada Muqdisho.

Hoos kat Daawo Sawirada

Ceelhuur.com