Jaamacadda Geeska Afrika oo Kulan Wacyigalin ah u qabatay Ardayda Cadaado (Sawirro)

Wararka Galmudug Wararka Maanta WAXBARASHADA

Jaamacadda Geeska Afrika xarunteeda Magaalada Cadaado ayaa kulan wacyigalin ah u qabtay ardayda dhameysay dugsiyada Sare ee ku nool magaalada Cadaado.

Madasha ayaa waxaa kasoo qeybgalay Masuuliyiin jaamcadda, arday iyo marti sharaf. waxaana qaar ka mid ah Macalimiinta ardayda u sharaxeen habka doorashada kuliyada jaamacadda, iyo qeybaha ay ka heli karaan jaamacadda Geeska Afrika xarunteeda Cadaado.

Xarunta Cadaado ee Jaamacadda Geeska Afrika waxaan sanadkaan ka qalinjabiyey 15 arday oo ah kuwii ugu horeeyey ee magaalada Cadaado jaamacad ku dhameeya sida uu sheegay maamulaha xarunta Cadaado Maxamed Khadar.

Sidoo kale ardayda ayaa loo qeybiyey warqado ay ku daabac yihiin warbixinada jaamacadda iyo kuliyadaha ay ardaydu heli karaan.