Madaxweyne Xaaf oo dib ugu laabtay Dusmareeb

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Xaaf ayaa galabta dib ugu laabtay Magaalada Dusmareeb Caasimadda Galmudug, Madaxweynaha ayaa waxaa imaatinkiisa ku wehliyey wafdigii Galmudug ee ka qeybgalay shirkii Kismaayo ee Golaha iskaashiga Dowlad goboleedyada.

Madaxweyne Xaaf ayaa laga sugayaa inuu ku dhawaaqo Gole Wasiiro Cusub, Waxaana Muuqata in isaga iyo Ahlu sunna isku haystaan xubnaha ka mid noqonaya Golaha Wasiirada Cusub.

Ahlu Sunna ayaa doonaysa in ay iyagu helaan wasiiradda ugu awoodda badan Golaha Wasiirada, sida Wasaaradaha Amniga, Arimaha Gudaha, Maaliyadda, Qorsheynta iyo Waxbarashada. Halka Madaxweyne Xaaf danaynayo inuu rag ay saaxiibo yihiin helaan wasiiro muhiim ah.

Madaxweyne Xaaf ayaa isku dayaya inuu dib u dhigo magacaabista Golaha Wasiirada, halka Ahlu Sunna ay ka go’an tahay in la dadajiyo Magacaabista wasiirada cusub, taas oo fursad u siinaysa in ay la wareegto talada Galmudug.

Xaaf Ducaale ayaa sidoo kale dagaal kula jira Madaxda Dowladda Dhexe, waa arinta qasbeysa inuu u dhaga nuglaado Ahlu Sunna, waxaana suurtagal ah marka uu ku dhawaaqo Gole Wasiiro cusub in dagaal siyaasadeed lagu furo.

Beesha Caalamka iyo Dowladda Federaalka ayaa hakiyey deeqihii ay siin jireen Galmudug, kadib markii la waayey xisaab celin deeqihii hore, sidoo kale Mudane Xaaf ka horyimid siyaasadda Dowladda. iyo khilaafka u dhaxeeya Madaxda Galmudug.