Laba Wareegto oo kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/xakiin C/llaahi Xaaji Cumar ayaa lagu shaaciyay in Gaadiidka ka kala yimaada Puntland iyo Koonfurta Somalia ay badeecadaha iyo xoolaha kula kala wareegi karaan oo kaliya degmada Gaalkacyo. Waxaa kaloo la Mamnuucay Gaadiidka Qaadka ee dhulka soo mari jiray, iyadoo lagu sheegay in Gaadiidkii lagu qabto isagoo dhulka Qaad soo marsiinaya ay xukuumadda Puntland la wareegi doonto.
Warkaan ayaa lagu xusay in tallaabadan loo qaaday arrimo la xiriira Ammaanka Magaalada Gaaalkacyo, Waxaana lagu wargaliyay dhamaan hay’adaha ay khuseyso inay fuliyaan Amarkaan. sidoo kale ayaa 10% qiimo dhimis lagu sameeyay dhamaan Ganacsatada Qaadku ugu soo dago garoonka diyaaradaha C/llaahi Yuusuf ee Magaalada Gaalkacyo.
Ugu dambeyn, Qoraalladaan kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa waxay kusoo beegmayaan iyadoo dhawaan uu Gaalkacyo gaaray Madaxweyne ku xigeenka kaddib markay ka dhaceen qaraxyo ay dad badani ku dhinteen.
Comments are closed.