Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay ka dambeeyeen dilka Nabadoon xalay lagu dilay degmada Dharkeenlay ee gobolkan Banaadir, Rag ku hubeysnaa Bastoolado ayaa ay ku dileen Oday dhaqameed ka mid ahaa Ergadii soo dooratay Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliyeed.
Nabadoonka la dilay ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Ibraahim Cali Xasan,waxana la sheegay in dadkii ka dambeeyay dilkiisa ay goobta ka baxsadeen.
Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa dilka kadib goobta gaaray,iyaga oo sameeyey howlgal ay ku baadi goobayeen dadkii ka dambeeyay dilkaas,wallow aysan ku guuleysan in ay gacanta ku dhigaan.
Alshabaab ayaa dhawaan soo bandhigay Muuqaalo muujinaya dad badan oo ay ku dileen Magaalada Muqdisho, Waxaana Muuqaata dadka ku nool Magaalada Muqdisho in ay dhexda uga jiraan saddex dil, Alshabaab, Daacish iyo ciidamada Dowladda.