Daawo: Galmudug oo Loise Njoke ku wareejiyay dowlada Kenya

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Dowlad goboleedka Galmudug ayaa maanta ku wareejisay Loise Njoke Weru dowlad kenya, Loise ayaa ciidanka Nabad sugidu ka soo badbaadiyeen koox burcad ah oo haysatay muddo 18 bilood ah, Wasiirka Amniga Galmudug Cismaan Nuur Taardhuleyd ayaa safiir ku xigeenka Kenya ku wareejiyey Gabadhaan la soo badbaadiyey.

Wasiir Cismaan oo ka hadlay goobta wareejinta oo aheyd garoonka diyaaradaha Cadaado ayaa sheegay in Galmudug ay horey u soo badbaadiyey dad farabadan oo ay heysteen burcad deegaanada Galmudug, isagoo intaa ku in ay caribtiriyaan kooxa caadeystay afduubka dadka.

dhanka kale Safiir ku xigeenka Kenya Xasan Maxamed Cabdi ayaa yiri : ” Anigoo ka wakiil ah dowladda Kenya waxaan doonayaa inaan fursasdaan uga faa’iideysto inaan u mahad celiyo dowlad goboleedka Galmudug iyo saraakiisha dowladda federaalka Soomaaliya Talaabada geesinamada leh ee ay u qaadeen in ay soo badbaadiyaan Walaasheen Loise oo ay heysteen koox burcad badeed ah muddo 18 bilood ah”.

Loise ayaa maanta loo duuliyey dalka kenya si ay ula midowga ehelkeeda.

Comments are closed.