Akhriso: Liiska kuraasta diyaarka ah Aqalka hoose – Galmudug

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Afhayeenka gudiga hirgalinta doorashooyinka heer dawlad goboleedka  Galmudug, Yuusuf Diiriye Maxamuud ayaa shaaca ka qaaday in 2-da bishan oo maanta ku began ay bilaabayaan diiwaan galinta musharixiinta ku loomamaya kuraasta aqalka hoose ee Baarlamanka.

Afhayeenka oo magaalada Cadaado kula hadlay qeybaha saxaafadda  ayaa  sheegay in ay diiwaan galiyeen ilaa 969-Ergo oo dooran doona 19-Xildhibaan oo ka mid noqon doona Baarlamanka Federaalka,isagoo intaa raaciyay  in ay bilaabayaan sameynta  kaararka aqoonsiga ee ergada.

Kuraasta hadda diyaarka ah

Beesha Ceyr  waxaa diyaar ah 2  kursi oo kala ah :

  1.  1 kursi waqooyi
  2.  1 Kursi koofur

Beesha Murusade waxaa diyaar ah 5 kursi oo kala ah:

  1. Habar Ceyno 2 kursi
  2. Daguura 1 Kursi
  3. Hilabi 1 kursi
  4. Cabdalle 1 kursi

Beesha Duduble waxaa diyaar ah 3 kursi oo kala ah:

  1. Aarsade 1 kursi
  2. Maxamed Camal 1 kursi
  3. Awradeen 1 kursi

Beesha Sacad waxaa diyaar ah dhammaan 3 kursi  oo ay laheyd

Beesha Waceysle waxaa diyaar ah dhammaan 3 kursi  oo ay laheyd

Beesha Mareexaan waxaa diyaar ah  1 kursi  oo ah:

  1. Wagardhac 1 kursi

Beesha Madhibaan waxaa diyaar ah 1 kursi.

Beesha Saleebaan waxaa diyaar ah 1 kursi  oo ay laheyd

  1. Obokor 1 kursi

 

Tagged

7 thoughts on “Akhriso: Liiska kuraasta diyaarka ah Aqalka hoose – Galmudug

Comments are closed.