Al-Shabaab oo weerar ku qaaday Saldhig Ciidan oo ku yaala Deegaan Hostaga Balcad

Wararka Maanta

Wararka ka imaanaya degmada Balcad ayaa sheegaya in dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay xalay fiidkii weerar ku soo qaadeen fariisin ciidamada dowladda ku lahaayeen Haan-Sheekh oo dhowr iyo toban KM u jirta Balcad.

Sida ay sheegayaan wararka ciidamada dowladda ayaa dhowaan la dejiyay Godka Haan-Sheekh oo ah wado caan ku ah rogmashada gaadiidka oo u dhaxeysa Balcad iyo deegaanka Gololey, kaddib

markii ay soo kordheen weeraro Al-Shabaab ka fulineysay halkaas, dhowr jeerna ay miinooyin ku aaseen.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Balcad ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay iska difaaceen weerar ay ku soo qaadeen Al-Shabaab, ayna deegaanka ku sugan yihiin.

Al-Shabaab ayaa todobaadkii hore jidka u galay Kolonyo ciidamada AMISOM la socdeen, iyadoo mid ka mid ah qarax miino la beegsaday, waxaana dhex maray iska hor imaad muddo kooban dhex maray.

Wadada isku xirta Balcad iyo Jowhar ayaa ahaa meelaha aanay Al-Shabaab gaadiidka ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ku weerarin sanadihii u dambeeyay, hase ahaatee waxaa dhowaanahan soo kordhay weeraro toos iyo qaraxyo lala beegsanayo gaadiidka ciidamada.