Gaas”Dalku Gacan-teenuu ku jiraa 90%

Wararka Maanta

 Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas oo maanta loo doortay Guddoomiyaha Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa ka hadlay shirka Kismaayo iyo arrimaha ka dhex jira dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Wareysi uu siiyay Laanta afka Soomaaliga ee VOA ayuu sheegay in muddo laga fikirayay in la sameeyo Madal ay ku mideysan yihiin, isagoo xusay in qorshaha uu markii hore ahaa in la dhiso Madasha Qurac Forum, balse arrimihii doorashooyinka ay soo kala dhex galeen.

“Barnaamijkaas wuxuu ahaa mid aan muddo ka fikireyn in la sameeyo madal ay wadaagaan dowlad goboleedyada, labo sano ka hor ayaa ka fikireysan, laakiin arrimihii doorashooyinka ayaa na soo dhex galeen, in la isu yimaado, la wada hadlo wixii caqabado jira la falanqeeyo in go’aamada ku haboon la soo saaro ayuu ujeedku ahaa”ayuu yiri C/wali Gaas.

Mar la weydiiyay arrimaha dowlad goboleedyada iyo dowladda Federaalka isku hayaan ayuu xusay in labo arrin ay tahay mid Mas’uuliyadda iyo awood qeybsiga.

Waxaa uu sheegay in dowladda Federaalka in dalka oo dhan aanay Mas’uuliyadeeda heyn, balse dowlad goboleedyada ay 90% ay mas’uuliyadda gacanta ku hayaan.

“Mas’uuliyadda dalka oo dhan xamar kuma koobna, 90% dowlad goboleedyada ayay mas’uuliyada saaran tahay, marka aad Xamar ka baxdo oo dhanka Balcad aado, marka la gaaro Hiilweyne, Hirshabelle ayaa ka mas’uul ah, markaa aado dhanka Jaziira Koofur Galbeed ayaa la galayaaay”ayuu yiri C/wali Gaas.

@Voa