Daahfurka Bandhigga Buugaagta Garoowe #GIBF2019 (Sawirro)

Arimaha Bulshada Wararka Maanta

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Maanta Xarunta Jaamacadda PSU Garoowe kaga qayb galay Bandhigga Buugaagta Garoowe oo sanadkii 5-aad la qabanaayo.

Bandhid Carweedkaan ayaa waxaa uu socon doonaa mudo Saddex Cisho ah,waxaana howlka lagu qabanayo ku sugan marti kala duwan oo ka socota inta badan deegaannada Soomaalida.

Madaxweyne Siciid Deni oo khudbad dhinacyo badan taabaneysa halkaasi ka jeediyay ayaa sheegay in ay aad u soo jiiteen qaar ka mid ah Buugaagtii lagu soo bandhigay halkaas.

Waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in la xoojiyo Akhriska iyo Qoraalka Afka Soomaaliga,waxaana uu sheegay in goobta Bandhiga ay ka maqan yihiin Buugaagta Afka Carabiga oo ah luuqada labaad ay ku hadlaan dadka Soomaaliyeed.

Magaalada Garoowe ayaa sanadkii 5aad martigalinaysa bandhig buugeedkan, waxaaan bandhigga buugaagta feersocda bandhiga dhaqameed, doodo iyo khudbado ay jeedinayaan ka qabeygalayaan madashan.

Magaalooyinka Muqdisho, Hargeysa, Garoowe, Cadaado iyo Kismaayo ayaa sanad kasta martigaliya bandhigyo buugeed, waxaana ugu horeeyey Hargeysa oo bilowday sanadkii 2007.