Ciidamada NISA Oo Laga Dhigayo Dharcad

Wararka Maanta

Wasiirka amniga Somaliya Maxamed Abuukar Ducaale (Islow) ayaa sheegay in isbedel lagu sameynaayo ciidamada Nabad Suggida Somaliya.

Ciidanka NISA ayaa hadda u shaqeey qaab la mid ah ciidamada kale ee hubaysan ee Dowladda ka tirsan, halka ciidanka NISA ay ku shaqeyn jireen qaab dhar cad ah waagii hore.

Wasiirka amniga Somaliya ayaa wuxuu sheegay ciidamada NISA inay u shaqeyn doonaan sidii waagii hore lagu yaqaanay ee dharcadka ah, sida qorshaha uu yahay mustaqbalka dhaw.

“Waxaan sameyn doonaa ciidan gaar ah oo ilaaliya ammaanka xarumaha dowladda iyo madaxda dowladda, NISA waxaan ku soo reebi doonaa haddii Alle Idmo Mustaqbalka dhaw dhar cad inay noqdaan sida ay ahaan  jireen oo waxaa laga reebo NISA calaamad ku buufsan in la arko lama rabo mana la arki doono.” Ayuu yiri Wasiirka amniga.

Dowladda Somaliya ayaa waxa ay wadaa qorshooyin kala duwan oo ay ku doonayso inay ku hormariso ammaanka Magaalada Muqdisho.