C/raxmaan C/Shakuur”Farmaajo iyo Kheyre Maxkamadbaan la korayaa”!

Uncategorized Wararka Maanta

Siyaaasi Cabdi Raxman Cabdi Shakuur oo Saxaafadda Muqdisho Garahaan Gurigga Xisbiga uu Gudoomiyaha ka yahay ee Wadajir-party oo uu ka dhacay Weerarka 18 bishaan lagu Xiray laguna Xasuuqay ilaaladiisii ayaa ka hadlay Dhowr Arimood.

Ugu horayntii Siyaasi C/raxmaan C/Shakuur Warsame wuxuu sheegay in Madaxweyne Farmaajo iyo Reysalwasaare Kheyre ay biciyeen Amarkii lagu weeraray gurigisa Maxkamadna uu wadama ay baasaborada kaheystaan kula koridoono.wuxuu beniyay hadal sida uu shegay been abuur ah oo leysku keenkenay kasoo uu kaga hadlayay lahaanshaha Muqdisho waxuuna intaas raaciyay in Dadka Hadalkaas isku Keenkeenay Lee yihiin Ujeedeeyin kale.

Hugaamiyaha Wadajir Party Cabdiraxmaan Cabdi shakuur waxa uu sheegay in muhiimada werarkii laguqaday gurigiisa uu ahaa in isaga lagudilo hadii markale lasoowerarana ay kadambeyan Madaxweyne Farmaajo iyo Reysalwasare Kheyre. Labada Masuul Ayuu sheegay inaysa Xitaa ka Tacsiyayn Xasuuqii loo gaystay Ciidankii Xooga Dalka ee asaga ilaalada u ahaa taasna ay Daliil cad u tahay sida ay u doonayeen in Ruuxiisa la Qaarijiyo

Dhankale waxuu Sheegay in Saraaakiishii Howlgakaas Fulisay iyo Garsoorka Gaarahaan Maxkamadda gobolka Banaadir ilaa hada lagu Cadaadinayo arintaas asagoo sheegay inuu hayo Cadaymo muujinaya Arimahaaas .Ugu danbayna waxuu Hoosta ka Xariiqay in ay Jiraan Qorshayaal la doonayo in lagu Qaarijiyo Siyaasiin iyo Xildhibaano ku sugan Muqdisho waxii soo gaarana loo haysto Farmaajo iyo Kheyre