Caleemasaarka Madaxda Galmudug oo dib loo dhigay

Guddiga Qabanqaabada caleemasaarka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug iyo ku Xigeenkiisu ka dib markii uu qiimeeyay xaaladda uu dalku galay, dulinka Korona oo soo gaaray awgiis, wadatashina la sameeyay Madaxtooyada Galmudug, wuxuu go’aansaday in dib loo dhigo munaasabadda Caleema saarka oo dhici lahayd 26-ka Maarso 2020. Guddigu wuxuu go’aankan gaaray markii uu arkay saameynta ay xannibaadda […]

Continue Reading

Sheekh Shaakir oo Garoowe gaaray

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xassan oo ka tirsan Hoggaanka Ahlusunna oo ay weheliyaan Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdisamad Macallin Maxamuud iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Galmudug ayaa maanta  gaaray magaalada Garowe ee caasimadda Maamulka Puntland. Wefdiga oo ka yimid magaalada Dhuusamareeb ayaa xalay ku soo hoyday magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug halkaas […]

Continue Reading

Odowaa”Uma sacab tumi doono gabood faladii ay gaysteen Farmaajo iyo Khayre”

Musharaxii Madaxweynaha Galmudug C/raxmaan Odawaa ayaa ku gacan seyray inuu taageero hannaankii doorashada Galmudug ee muranka dhaliyay oo ay dowladdu waday bilihii la soo dhaafay, kaasoo Axadii la soo dhaafay Madaxweyne loogu doortay Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor. C/raxmaan Odawaa ayaa ku mowqif noqon saddexdii Musharax ee uu Isbaheysiga la ahaa, kuwaasoo xalay soo saareen […]

Continue Reading

Axmed cabdi kaariye oo ku guulaystay doorashada madaxwaynaha galmudug

Axmed Cabdi Kaariye oo ahaa Madaxweynaha Dooran ee Galmudug ayaa sidii la filayay ku guuleystay doorashada Madaxweynaha Galmudug ee muranka badan ka taagnaa, oo ay horay u qaadaceen inta badan Musharaxiintii mucaaradka ahaa. Doorasho goor dhow ka dhacday magaalada Dhuusamareeb oo qaadatay wax ka yar saacad ayaa Musharaxii dowladda wadatay ee la ogaa inuu dooranaa […]

Continue Reading

Doorashada madaxwaynaha iyo kuxigeenka galmudug oo markale dib loo dhigay

Guddiga doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa ku dhowaaqay in dib loo dhigey doorashadaas. Guddigan ayaa shaaciyay in muddo saddex maalmood ah dib loo dhigey doorashada ay u codeyn lahaayeen baarlamaanka 2aad ee Galmudug. Guddiga doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa sheegay in dib u dhigistan uu yahay codsi ugaga yimid […]

Continue Reading

Shiikh shaakir oo dowlada ku eedeeyay kala tagoodii iyaga iyo Xaaf

Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka inay ka shaqeysay inay is khilaafaan Ahlusuna iyo Madaxweyne Xaaf, si maamul keligeed ay rabto inay uga dhisto Galmudug. Sheekh Shaakir oo wareysi siiyay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in dowladda ay dooneso inay Galmudug ka dhigto Xaafad ka tirsan Muqdisho. “Dowladda […]

Continue Reading

Dib u dhac ku yimid jadwalka doorashada madaxwaynaha Galmudug

Jadwalka doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka ayaa markale waxaa ku yimid dib u dhac kadib markii guddiga doorashada ay waqti ku kordhiyeen xilliga ay ku eg tahay diiwaangelinta. Guddiga doorashada ayaa waxaa ay ku kordhiyeen xilliga qabashada araajida muddo 24 saacadood ah ku eg gelinka dembi ee maalinta Isniinta ee 27ka bisha […]

Continue Reading

Ahlusuna oo dowlada federaalka ku eedaysay faragalinta doorashada Galmudug

Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ka mid ah Hoggaanka Ahlusuna ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka inay faragelin ku dhisan qaab xoog ah ku maamuleyso doorashada Galmudug. War ka soo baxay Sheekh Shaakir ayaa lagu sheegay in afduub lagu sameeyay Guddigii doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka laguna amray in la magacaabo Guddoomiye […]

Continue Reading

Jadwalka Doorashada Madaxweynaha Galmudug oo la soo saaray

Guddiga Doorashada Madaxweynaha Galmudug ee ahaa 8-dii xubnood ee iska dhex doortay Guddoomiye iyo Kuxigeen ayaa waxay goor dhow soo saareen jadwalka doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo kuxigeenkiisa. Jadwalkan ayaa ku soo aaday, iyadoo Guddiga doorashada uu labo garab u kala qeybsamay, waxaana 5 ka mid ah Xubnaha Guddiga oo ahaa Xildhibaanada Ahlusuna ay sheegeen inay […]

Continue Reading