Odowaa”Uma sacab tumi doono gabood faladii ay gaysteen Farmaajo iyo Khayre”

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Musharaxii Madaxweynaha Galmudug C/raxmaan Odawaa ayaa ku gacan seyray inuu taageero hannaankii doorashada Galmudug ee muranka dhaliyay oo ay dowladdu waday bilihii la soo dhaafay, kaasoo Axadii la soo dhaafay Madaxweyne loogu doortay Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.

C/raxmaan Odawaa ayaa ku mowqif noqon saddexdii Musharax ee uu Isbaheysiga la ahaa, kuwaasoo xalay soo saareen qoraal ay ku soo dhoweynayaan doorashada Qoor Qoor, kuna muujiyay tanaasul iyo taageero.

Qoraal uu goor dhow soo dhigay bartiisa Facebook ayuu uga hadlay mowqifkiisa dhabta ah.

Nidaamka Farmaajo waxa uu dalka ku soo kordhiyay inta uu dadka dulmiyo haddana ku qasbo in ay aqbalaan, una sacabo tumaan gaboodfalkii loo gaystay.

Sida Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaarihiisu ula dhaqmeeen maamul dhisidda Galmudug waa si taariikhdooda bar madow ku ahaan doonta, qof walba ayaa marqaati ka ah in 2018 ay madaxweyne ku barbar dhiseen kii sharciga ahaa, barlamaankii kala qeybiyeen, sidoo kalena ay June 2019 la wareegeen Galmudug hal maamul leh ka dib markiii ay madaxa isu galiyeen Madaxweynihii iyo madaxii Xukumadda.

Sideed bilood oo gacan maroojis iyo amar ku taagleyn ah waxa ay natiijadii noqotay in ay saakay Galmudug leedahay saddex maamul oo ay ayagu mid dhisteen.

Aniga oo laf dhabar u ahaa raggii awlaba maamulkaas halkaas ka keenay, waxaan u taagnaan donaa inaan mar kale ka qayb noqdo isku baadi-goobka dadkii kooxda Villa Somalia ay kala irdheeyeen.

Inta ka horeysa dulmi iyo garbaduub muuqda kama noqon doono marqaati-beenaale, cadaalad daradii aan tartanka uga haray kadib ma jirto sabab aan midkood ugu hambalyeeyo.