Doorashada madaxwaynaha iyo kuxigeenka galmudug oo markale dib loo dhigay

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Guddiga doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa ku dhowaaqay in dib loo dhigey doorashadaas.
Guddigan ayaa shaaciyay in muddo saddex maalmood ah dib loo dhigey doorashada ay u codeyn lahaayeen baarlamaanka 2aad ee Galmudug.

Guddiga doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa sheegay in dib u dhigistan uu yahay codsi ugaga yimid guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug.
Hase yeeshee waxaa xalay dalalka daneeya Soomaaliya iyo hay’ado caalami ah ay codsadeen in la xaliyo khilaafka ka dhex jira doorashada waqti walba oo ay qaadato.

Qaar ka mid ah musharaxiinta doorashada Madaxtinimada Galmudug ayaa hore u qaadacay inay ka qeybgalaan,inkastoo maanta ay qudbado ka horjeediyeen xildhibaanada Baarlamaanka 2aad ee Galmudug illaa 4 musharax Madaxweyne iyo 5 musharax oo u taagan xilka Madaxweyne ku xigeen.

Warkan ayaa soo baxay saacado kadib markii magaalada Dhuusamareeb ay Madaxweyne u doorteen baarlamaan shalay loogaga dhowaaqay Sheekh Maxamed Shaakir.