Wararkii Ugu Dambeeyey Khilaafka Madaxda Sare Ee Dalka Iyo Kulamo Xalay Ka Dhacay Villa Soomaaliya

Wararka Maanta

Madaxtooyada Somaliya, waxaa xalay hareeyay kulamo gaar gaar ah iyo mid guud oo looga hadlayay go’aanka Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ee la xiriira kala diristii Guddigii Maaliyadda, Qorsheynta iyo La xisaabtanka Hay’addaha dowladda.

Qoraal ka soo baxay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sabtidii ayaa waxaa uu ku sheegay in Guddiga ay tahay inay shaqadooda caadiga sii wataan, iyadoo Guddoomiyaha ku eegay qodobo ka mid ah xeer hoosaadka iyo Dastuurka.

Kulankii u horeeyay waxa uu isla shalay Villa Hargeysa ku dhexmaray; Mursal, Muudeey iyo Cawad, labada kuixgeen.

Labada Gudoomiye kuxuigeen, ayaa mursal u sheegay ineysan ku qnaacsaneyn Tilaabada uu qaaday, iyadoo kulanka oo saacado ka dheeraad ah watqigii loogu talagalay qaatay, markii danbe la isku afgaran waayay.

Labada Guddoomiye Kuixgeen oo siday fariinta Gudoomiye Mursal, ayaa maqribkii shalay ka hor la kulmay Madaxweyne Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo), waxa  cadeeyeen mowqifka Muudeey.

Madaxweynaha iyo Kuixgeenada, ayaa isla gorfeeyay talaabada xigta ee la qaadi karo iyo hanaanka ay tahay in looga Jawaabo go’aanka Mursal.

Labada Gudoomiye Ku xixgeen oo aan xalay saacado badan hurdin, ayaa kulan kale oo waqti badan la isku helay la qaatay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, kulanka danbe, ayaa lagu diyaariyay naqshadda ay noqoneyso falcelinta diidmada Mursal ee go’aanka Muudeey ku kala diray bishii hore Guddigii Maaliyadda, Qorsheynta iyo La xisaabtanka Hey’addaha dowladda.

Waxaa jira Kulamo kale oo maanta ilaa caawa la isugu balamay, Kuwaas oo u badantahay in ay noqdaan kuwa lagu jaangoyn doono Mustaqbalka kursiga uu ku fadhiyo Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo xafiiska fadhiya wax ka yar 7 Bilood, ayaa xiligan wajahaya Cadaadis uga imanaya Madaxda sare ee dalka, waxaana la sugayaa oo kaliya tiilaabada uu qaadayo Kuxigeenkiisa Koowaad C/Wali Muudeey.

Mursal oo hore u ahaa Wasiirkii gaashaandhiga, ayaa xilkaasi iska casilay markii Culeyska la saaray darteed uu isu casilay Jawaari, iyadoo la rumeysan yahay in ku guuleysigiisa door ay ku leheyd Xukuumada Ra’iisul Wasaare Khayre.