Sheekh Shaakir oo Garoowe gaaray

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xassan oo ka tirsan Hoggaanka Ahlusunna oo ay weheliyaan Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdisamad Macallin Maxamuud iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Galmudug ayaa maanta  gaaray magaalada Garowe ee caasimadda Maamulka Puntland.

Wefdiga oo ka yimid magaalada Dhuusamareeb ayaa xalay ku soo hoyday magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug halkaas oo ay arroornimadii hore ee saaka safar dhulka ah kaga  jarmaaday halkaas.

Tagitaankooda ayaa ku soo beegmaya xilli maalmahan uu Garoowe ku suganaa Hoggaamiyaha guud ee Ahlusunna Macallin Maxamuud Sheekh Xassan islamarkaana la hadal-hayo in uu safar dibadda ah u baxayo inkastoo aan weli la xaqiijin dalka uu tegi doono.

Hoggaanka ururka Ahlusunna oo in ka badan 12-sannadood ka talinayey gobollada dhexe ee Soomaaliya ayaa dhowaan isu dhiibay dowladda Federaalka Soomaaliya kadib markii looga adkaaday dagaal halkaas ku dhexmaray iyaga iyo ciidamada dowladda.

Xigasho: Puntland Post

Aragtidaada ka dhiibo