Jadwalka doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka ayaa markale waxaa ku yimid dib u dhac kadib markii guddiga doorashada ay waqti ku kordhiyeen xilliga ay ku eg tahay diiwaangelinta.
Guddiga doorashada ayaa waxaa ay ku kordhiyeen xilliga qabashada araajida muddo 24 saacadood ah ku eg gelinka dembi ee maalinta Isniinta ee 27ka bisha Janaayo 2020.
Dib u dhigistan ayaa wa ay guddiga ku macneeyeen in qaar ka mid ah musharaxiinta aysan weli soo gaarin magaalada Dhuusamareeb inkastoo musharixiin badan ay haatan ku sugan yihiin xarunta dowlad goboleedka Galmudug ee Dhuusamareeb.
Qaar ka mid ah musharaxiintia madaxweynaha Galmudug ayaa hore digniin u soo saaray taasoo la xiriirta kala qeybsanaanta guddiga doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Galmudug.
Waxayna guddigan doorashada ay waqti kordhin u sameeyeen 23kii bishan iyagoo ku kordhiyay muddo saddex cisho ah.