Wafdi ka socda Qadar iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya oo tagay Hobyo

Wafdi ka socda dowladda Qadar oo maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyey wasiirka Dekedaha Soomaaliya Maryan Aweys. Wafdiga maanta soo gaaray Muqdisho ayaa waxaa hogaaminayay madaxa Dekadaha Dawladda Qadar. Waxayna kulan la yeesheen Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyagoona kawada hadlay horumarinta dekadaha Soomaaliya. Wasiirka […]

Continue Reading

Ciidamo Ajnabi ah oo gaaray Duleedka Hobyo.

Ciidamo Ajnabi ah ayaa goordhow gaaray deegaanka Saqiiro ee Duleedka Degmada Hobyo ee gobolka Mudug, ciidamadan oo kasoo kicitimay Magaalada Galkacyo ayaa la ogeyn ujeedada ciidamadan halkaas u tageen. Ilo xog-ogaal ah ayaa inoo xaqiijiyey in ciidamadan yihiin Maraykan gaar ahaan Shirkada Bancroft, ciidankan ayaa saldhig weyn ku leh garoonka diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf Waqooyiga Galkacyo, […]

Continue Reading

Gaariga Madaxweyne Xaaf oo Qarax lagula eegtay Muqdisho (Sawirro)

Meel u dhow isgoyska Banaadir degmada Hodan magaalada Muqdisho ayaa xalay waxaa ka dhacay qarax nuuca Miinada dhulka lagu aaso, waxaana qaraxaan lala eegtay gaari uu lahaa Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Xaaf. Gaarigaan ayaa inta badan waxaa adeegsada ilaalada Madaxweyne Xaaf, waxaana Qarax lala eegtay kadib markii uu ka leexday laamiga, xiliga qaraxa […]

Continue Reading

Afhayeenka Galmudug Cabdullaahi Roob da’ay oo lagu xiray Muqdisho

Sida ay inoo xaqiijiyeen ilo xog-ogaal waxaa magaalada Muqdisho lagu xiray Afhayeenka Dowlad goboleedka Galmudug Cabdullaahi Xaashi Faarax Roob da’ay. ciidamo ka tirsan Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa xiray afhayeenka isag oo maraya meel u dhow isgoyska Sayid, waxaana goobjoogayaal inoo xaqiijiyeen in gaari Cabdi bile ah lagu horgooyey gaarigii uu watay, kadibna lagala dagay […]

Continue Reading

Maxaa ka cusub Wadahadalka Madaxda Sare ee Galmudug?

Waxaa Todobaadkii labaad galay dhexdhexaadinta Madaxda Sare Galmudug, Waxaana dhexdhexaadintan garwadeen ka ah Madaxda ugu sareysa Dowladda Federaalka, Madaxweyne Farmaajo ayaa isku dayaya inuu xal u helo khilaafka Madaxda Galmudug, isagoo Muqdisho ugu yeeray Labada dhinac ee is haya. Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa kulamo la qaatay labada garab, Axmed Ducaale Xaaf Madaxweynaha Galmudug ayaa […]

Continue Reading

Jaamacadda Geeska Afrika oo Kulan Wacyigalin ah u qabatay Ardayda Cadaado (Sawirro)

Jaamacadda Geeska Afrika xarunteeda Magaalada Cadaado ayaa kulan wacyigalin ah u qabtay ardayda dhameysay dugsiyada Sare ee ku nool magaalada Cadaado. Madasha ayaa waxaa kasoo qeybgalay Masuuliyiin jaamcadda, arday iyo marti sharaf. waxaana qaar ka mid ah Macalimiinta ardayda u sharaxeen habka doorashada kuliyada jaamacadda, iyo qeybaha ay ka heli karaan jaamacadda Geeska Afrika xarunteeda […]

Continue Reading

Mayor-ka Cadaado oo ka qeybgalay shirka Caasimadaha (Sawirro)

Gudoomiyaha degmada Cadaado Cabdullaahi Cabdiraxmaan Tootoole ayaa magaalada Nairobi kaga qeybgalay shir looga hadlayey Horumarinta iyo Qorsheynta Koboca Magaalooyinka waaweyn Soomaaliya. Shirkan oo socday laba maalmood ayaa waxaa kasoo qeybgalay Mayor-da caasimada Dowlad goboleedyada, Maamulka Gobolka Banaadir, Wasaaradaha Arimaha Gudaha maamuladada, Hay’adaha iyo dowlaha daneeya Soomaaliya. Waxaana Galmudug ku matalayey Mayor-ka Cadaado. Shirkan ayaa waxaa […]

Continue Reading

Hay’adda Socdaalka iyo jisniyadda Soomaaliya oo Xafiis ka furatay Balanbale (Sawirro)

Hay’adda Socdaalka iyo jisniyadda Soomaaliya ayaa xafiis ka furatay degmada Balanbale waqooyiga gobolka Galgaduud ee dowlad goboleedka Galmudug. Munaasabda xariga looga jarayay xafiiska ayaa waxaa ka soo qeybgalay maamulka dagmada iyo dadka deegaanka iyo sarakiil ka socotay HSJ waxaana ay dhamaantood sheegeen in baahi weyn loo qabay howlaha ay qaranka u heyso Hay’adda socdaalka iyo […]

Continue Reading