Wafdi ka socda dowladda Qadar oo maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyey wasiirka Dekedaha Soomaaliya Maryan Aweys.
Wafdiga maanta soo gaaray Muqdisho ayaa waxaa hogaaminayay madaxa Dekadaha Dawladda Qadar. Waxayna kulan la yeesheen Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyagoona kawada hadlay horumarinta dekadaha Soomaaliya.
Wasiirka Dekadaha iyo Gadiidka Badda Soomaaliya Marwo Maryan Aweys Jaamac ayaa ka warbixasay u jeedka ay Soomaaliya u yimaadeen, waxayna tilmaamtay in ay booqashooyin ku mari doonaan maamul goboleedyadda dalka.
Dhanka kale wafdiga Dowladda Qadar iyo masuuliyiin sare oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa beri oo Arbaco ah tagaan Magaalada Hobyo, sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf uu isna wafdigaan ku wehlin doono safarka Hobyo. wafdigaan ayaa la filayaa in ay kormeeraan dekedda magaalada Hobyo, Waa wafdigii 6aad ee booqda dekedda Hobyo, wufuud ka socotay dowladaha Shiinaha, Ciraaq, Turkiga, imaaraatka.
Dhanka kale waxaa caawa magaalada Hobyo ku hoyanaya ciidamo isugu jira ajnabi iyo Soomaali oo maanta ka tagay magaalada Galkacyo. ciidamadan ayaa waxaa horkacaya Nin lagu magacaabo Qooje oo horey usoo noqday Taliyaha Daraawiishta Galmudug.
wixii kusoo kordha kala soco ceelhuur.com