Mayor-ka Cadaado oo ka qeybgalay shirka Caasimadaha (Sawirro)

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Gudoomiyaha degmada Cadaado Cabdullaahi Cabdiraxmaan Tootoole ayaa magaalada Nairobi kaga qeybgalay shir looga hadlayey Horumarinta iyo Qorsheynta Koboca Magaalooyinka waaweyn Soomaaliya.

Shirkan oo socday laba maalmood ayaa waxaa kasoo qeybgalay Mayor-da caasimada Dowlad goboleedyada, Maamulka Gobolka Banaadir, Wasaaradaha Arimaha Gudaha maamuladada, Hay’adaha iyo dowlaha daneeya Soomaaliya. Waxaana Galmudug ku matalayey Mayor-ka Cadaado.

Shirkan ayaa waxaa abaabulay hay’adda Deeqaha UK DIFD, Degmada Cadaado ayaa 6 sano ee ugu dambeeyey laheyd Gole Deegaan oo Rasmi ah, Waana degmada Kaliya ee leh Gole Deegaan oo aqoonsi ka heysta wasaaradda Arimaha Gudaha Soomaaliya Degmooyinka Galmudug, waxaana la filayaa in dhawaan Gole deegaan loo sameeyo degmooyinka Hobyo, Balanbale iyo Cabudwaaq.