Xogta Deegaanadii ay Alshabaab qabsadeen Koofurta gobolka Mudug

Ururka Alshabaab oo ciidankoodu shalay galab isku fidiyey Tuulooyinka Baraag Farey iyo Waable ee koofurta gobolka Mudug, ayaa wararka halkaas saaka naga soo gaaraya waxa ay sheegayaan in wali ku sugan yihiin deegaanadii ay qabsadeen. Alshabaab ayaa la sheegayaa in ay gubayaan beeraha, aqalada iyo hantida ma guurtada ah ee ay halkaas ugu tageen. Waxaana […]

Continue Reading

Alshabaab oo galabta isku fidiyey deegaano horleh koofurta Mudug

Waxaa maalintii saddexaad dagaal dhexmaray ciidanka deegaanka iyo ciidanka Alshabaab, dagaalka ayaa maanta dib uga qarxay deegaanka Baraag farey oo 20 km u jirta Magaalada Ceelhuur koofurta Gobolka Mudug. Ciidanka Alshabaab abaara duhurkii weerar ku ekeeyey ciidanka deegaanka oo halkaas fadhiisan ku lahaa, Waxaa dagaal saacad socday alshabaab kula wareegeen gacan ku heynta Tuulada Baraag […]

Continue Reading

Dagaal maalintii labaad ka socda koofurta gobolka Mudug

Dagaal culus ayaa maanta ka dhacay deegaanka Maamiye ee u dhaxeeya Caad iyo Camaara koofurta gobolka Mudug. Dagaalka ayaa u dhaxeeya dadka deegaanka iyo ururka Alshabaab, waxaana ururka Alshabaab barqanimadii maanta weerarka kusoo qaadeen ciidanka deegaanka, dagaalka oo soo gaaray duhurkii dib loo riixay ciidankii Alshabaab. Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidanka deegaanku ay gacanta […]

Continue Reading

Daawo Sawirada: Wafdigii Maanta booqday Magaalada Hobyo

Magaalada Hobyo gobolka Mudug ayaa maanta waxaa booqasho ku tagay wafdi balaaran oo uu hogaaminayo Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf. Madaxweynaha ayaa waxaa booqashadiisa ku wehliyey wasiirka Dekedaha Soomaaliya Marwo Maryan Aweys, Masuuliyiin ka socda dalka Qadar iyo xildhibaano ka tirsan Barlamaanka Federaalka. Madaxdaan ayaa kormeeray dekeda Hobyo, oo uu horay u dhagax […]

Continue Reading

Cabdullaahi Roob da’ay oo markale lagu xiray Muqdisho

Afhayeenkii Maamulka Galmudug Cabdullaahi Xaashi Faarax Roob Da’ay ayaa maanta markale lagu xiray Magaalada Muqdisho, gaar ahaan xarunta danbi baarista CID ee ciidanka Booliska Soomaaliya. Cabdullaahi ayaa lagu xiray warqad ka soo baxday Qeybta Baarista Danbiyada ee Ciidanka Booliska, waxaana ku saxiixnaa G/Sare Cumar Cabdi Cilmi. Dad goobjoog ahaa ayaa inoo xaqiijiyey in masuulkan laga […]

Continue Reading

Wararkii ugu dambeyey Xaalada Deegaanka Caad gobolka Mudug

Waxaa dagan xaalada deegaanka Caad ee degmada Xarardheere gobolka Mudug, halkaas oo saaka  dagaal ku dhex maray ciidanka deegaanka iyo Ururka Alshabaab. Dagaalka ayaa saaka dhacay gudaha deegaanka Caad, halkaas oo ciidanka deegaanku weerareen saldhiga Alshabaab ku lahaayeen gudaha Magaalada. Alshabaab oo gurmad ka helay degmada Xarardheere ayaa markii dambe dib ula wareegay Magaalada Caad. […]

Continue Reading

Madaxweynaha Galmudug iyo Wafdigii Qadar oo gaaray Hobyo

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo wafdi ka socda dalka Qadar ayaa goordhow gaaray magaalada Hobyo ee gobolka Mudug. Masuuliyiintana ayaa waxaa safarkooda ku wehliya Wasiirka Dekedaha Soomaaliya Maryan Aweys, Senator Cabdi Qeybdiid, Xildhibaan Xuseen Iidow, Xildhibaan Ubax Tahliil iyo siyaasiyiin kale. Waxaana wafdigaan kormeer ku tageen dekedda magaalada Hobyo, sidoo kale […]

Continue Reading

Xiisad Colaadeed oo ka jirta Magaalada Caad ee gobolka Mudug

Xiisad colaadeed ayaa saaka ka jirta maagaalada Caad oo hoostagta degmada Xarardheere gobolka Mudug, xiisadda ayaa u dhaxeysa ciidamada Deegaanka iyo ururka Alshabaab. Caad ayaa waqooyi bari uga beegan 60 km degmada Xarardheere. Ciidamada Deegaanka ayaa saaka aroortii weerar qorsheysan kula wareegeen deegaanka Ceel Cabdi oo ah Saldhig weyn oo Alshabaab ku lahaayeen meel u […]

Continue Reading