Maxaa ka cusub Wadahadalka Madaxda Sare ee Galmudug?

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Waxaa Todobaadkii labaad galay dhexdhexaadinta Madaxda Sare Galmudug, Waxaana dhexdhexaadintan garwadeen ka ah Madaxda ugu sareysa Dowladda Federaalka, Madaxweyne Farmaajo ayaa isku dayaya inuu xal u helo khilaafka Madaxda Galmudug, isagoo Muqdisho ugu yeeray Labada dhinac ee is haya.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa kulamo la qaatay labada garab, Axmed Ducaale Xaaf Madaxweynaha Galmudug ayaa ka biyo diiday inuu horfadhiista Madaxweyne Ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi iyo Gudoomiyaha Barlamaanka Cali Gacal, Mr. Xaaf ayaa sheegay in aysan heshiin karin ragaas, dowladuna si kale u maarayso arintaan.

Madaxweyne Xaaf ayaa sidoo kale diidan in arinta xalinta khilaafka uu ku lug yeesho Ra’iisulwaasare Xasan Cali Kheyre, oo ay dhowr jeer isku dhaceen. Dhanka Kale Xaashi iyo Gacal ayaa Madaxweyne Farmaajo hordhigay Qodobada ay ka biyo diidsan yihiin, waxaana ugu muhiimsan in dib loo saxo heshiiska Ahlu sunna, iyadoo la raacayo dastuurka Galmudug.

Sida la saadaalinaayo ma jiri doono heshiis rasmi ah oo laga gaarayo khilaafka Galmudug ilaa inta laga gaarayo 15 bishaan Luulyo, oo loo balansan yahay in la aado shirka Biljam, Dowladda ayaa iska ilaalinaysa in waqtigaas ka hor ay is khilaafaan Madaxda Maamul goboleedyada, waxaana La filayaa marka shirkaas laga soo laabto uu cadaan doono mowqifka Dowladda Federaalka.