Faafaahin Diyaarado xalay duqeeyey koofurta Mudug

Xalay fiidkii ayaa diyaarado dagaal waxa ay duqeeyeen deegaanka Goodirley oo u dhaxeeyo Caad iyo Miiroon koofurta gobolka Mudug. Duqeyntaan ayaa la sheegayaa in lala beegsaday saraakiil sare oo  ka tirsan Alshabaab. Saraakiishan ayaa shalay kormeeray saldhigii Maamiye oo diyaaradaha dagaalka Maraykanku todobaadkii hore dhowr jeer duqeeyeen, saldhigaan ayaa la aaminsan yahay inay alshabaab u […]

Continue Reading

Weerarkii Gaalkacyo oo lasoo afjaray (Sawirro+Warbixin)

Ciidamada Ammaanka Dowlad goboleedka Galmudug iyo ciidanka Danab qeybta 21aad ayaa goordhow soo afjaray weerar rag ka tirsan Alshabaab ku qaadeen xarunta Cabdiwali Sh. Cali Cilmi yare koofurta Magaalada Gaalkacyo. Weerarkan ayaa ku bilowday gaari waxyaalaha qarxa laga soo buuxiyey oo lagu dhuftay xarunta, waxaana daqiiqado kadib xarunta gudaha u galay dabley ka tirsan Alshabaab, […]

Continue Reading

Maxaa ka cusub Koofurta gobolka Mudug?

Waxaa dhaqdhaaq ciidan laga dareemaya koofurta gobolka Mudug, xalay ayaa magaalada Cadaado waxaa ka baxay ciidan ka tirsan xoogga dalka Soomaaliya, ciidankan oo watay dhowr gaadiidka dagaalka ayaa gaaray magaalada Wisil, sidoo kale halkaas waxaa gaaray ciidamo kale oo ka kala yimid Hobyo iyo Gaalkacyo. Ujeedada socodka ciidanka iyo halka ay ku wajahan yihiin ayaanan […]

Continue Reading

Duqeyn Diyaaradeed oo Maalintii 3-aad ka socota Koofurta Mudug

Waxaa maalintii saddexaad ka socota koofurta gobolka Mudug, gaar ahaan deegaanada ku hareeraysan Magaalada Caad , duqeymo ay geeysanayaan diyaaradaha Maraykanka. Diyaaradaha ayaa beegsanaya saldhigyada alshabaab ku leeyihiin deegaanada ku hareeraysan Caad oo waqooyi uga beegan degmada Xarardheere gobolka Mudug. Sidoo kale diyaaradaha ayaa duqeyey gaadiid iyo gaari dameero loogu gurmanayey Alshabaabka waxyeeladu gaartay. Duqeymihii […]

Continue Reading

Wararkii ugu dambeeyey ee Duqeyntii Caad

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeymo diyaaradaha dagaalka deegaano ku hareeraysan Caad degmada Xarardheere gobolka Mudug. Howlgalka Maraykanka ee qaaradda Afrika ee AFRICOM ayaa sheegtay in diyaaradaha Maraykanku fuliyeen duqeyntaas. Waxayna intaa ku dareen in ay ku dileen 37 ka mid ah ciidanka Alshabaab. Warbixinta ayaa intaa ku daraysa in laba duqeymood diyaaraduhu halkaa […]

Continue Reading

Faafaahin: Diyaarado duqeeyey koofurta Mudug.

Waxaa faafaahin dheeraad ah kasoo baxayaan diyaarado duqeeyey deegaano hoostaga deegaanka Caad ee degmada Xarardheere koofurta gobolka Mudug. Diyaaradaha ayaa duqeeyey laba saldhig oo ay Alshabaab ku lahaayeen heeraraha Caad, waxaa shalay galab 5:00 PM diyaarad dhowr gantaal la beegsatay xero ciidan deegaanka Maamiye, xiliga ay duqeyntaas dhaceysay ayaa la sheegay in saraakiil ka tirsan […]

Continue Reading

Madaxweynaha Galmudug Axmed Baasto oo u safray Muqdisho (Video)

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Maxamuud Xasan Baasto ayaa maanta u ambabaxay Magaalada Muqdisho, waa safarkiisii ugu horeeyey ee uu ku aado Muqdisho tan iyo markii xildhibaanada Galmudug u doorteen Hoggaanka Galmudug. Axmed Baasto ayaa waxaa garoonka ku sagootiyey gudoomiye ku xigeen Barlamaanka Galmudug, wasiiro iyo xildhibaano. halkaan ka daawo Muuqaalka

Continue Reading

Ciidamada Ahlu Sunna iyo Alshabaab oo ku dagaalamay Galgaduud

Ciidamada Ahlu Sunna ayaa saaka aroortii weerar ku qaaday fariisin ciidanka Alshabaab ku lahaayeen deegaanka Goolo goonle oo qiyaastii 80 km koofur uga beegan degmada Guriceel gobolka Galgaduud. ciidanka Alshabaab ayaa xalay saqdhexe soo galay deegaanka kadib markii ay ka war heleen ciidamada Ahlu sunna oo ku wajahnaa deegaankaas. Dagaalka oo waqti kooban socday ayaa […]

Continue Reading

Madaxda Galmudug oo ku bogaadiyey Ciidanka Qaranka Joojinta Colaadii Balanbale (Video)

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Maxamuud Xasan Baasto iyo Gudoomiye ku xigeenka 1aad Barlamaanka Galmudug Cabdullaahi Xersi Maxmed ayaa bogaadiyey Dowrka ciidamada Qaranku ka geysteen joojinta colaadii maalmahan ka aloosneyd deegaano hoostaga degmada Balanbale gobolka Galgaduud. Shalay ayey aheyd markii ciidanka Xoogga Dalka iyo ciidanka NISA ay u dhaqaaqeen goobihii lagu dagaalamay, iyagoo ku guuleystay […]

Continue Reading

Daawo: MD Axmed Baasto oo Eedeyn kulul u jeediyey Golaha iskaashiga D.goboledyada

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Maxamuud Xasan Baasto oo maanta warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa Magaalada Cadaado, ayuu eedeyn kulul u jeediyey Golaha Iskaashiga Dowlad goboleedyada. Madaxweynaha ayaa Golaha ku eedeeyey in ay ka dambeeyeen Dilal ka dhacay Hobyo iyo Cadaado, sidoo kale Waxa uu ku eedeeyey in ay hurinayaan colaadda ka taagan deegaano hoostaga degmada […]

Continue Reading