Faafaahin Diyaarado xalay duqeeyey koofurta Mudug

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Xalay fiidkii ayaa diyaarado dagaal waxa ay duqeeyeen deegaanka Goodirley oo u dhaxeeyo Caad iyo Miiroon koofurta gobolka Mudug. Duqeyntaan ayaa la sheegayaa in lala beegsaday saraakiil sare oo  ka tirsan Alshabaab.

Saraakiishan ayaa shalay kormeeray saldhigii Maamiye oo diyaaradaha dagaalka Maraykanku todobaadkii hore dhowr jeer duqeeyeen, saldhigaan ayaa la aaminsan yahay inay alshabaab u isticmaali jireen keyd hubka.

Waxaana shalay galab hawada deegaanadaas soo galay diyaaradaha dagaalka, taas oo keentay in saraakiisha Alshabaab loola cararo dhanka degmada Xarardheere, balse diyaaradaha dagaalka ayaa gaadiidkii siday saraakiishan ku duqeeyeyn deegaanka Goodirley.

Lama oga khasaaraha Saraakiisha Alshabaab kasoo gaaray duqeyntaas, Sidoo kale lama soo sheegin dad rayid ah oo waxyeelo kasoo gaartay duqeymaha ka socda deegaano hoostaga degmada Xarardheere, Duqeymihii hore ayaa waxaa sheegtay AFRICOM oo ah howgalka Maraykanka ee qaaradda Afrika.

Dhanka kale Ciidamada Xoogga dalka ayaa fariisan ka sameystay Magaalada Wisil oo 60 km waqooyi uga beegan degmada Hobyo gobolka Mudug, ciidamadan ayaan la ogeyn halka ay ku wajahan yihiin. waxaana ciidankan shalay kormeeray saraakiil sare oo uu horkacayo Taliyaha Qeybta 21aad Gen. Cirro.

Wixii kusoo kordha xaalada koofurta gobolka Muduga kala soco ceelhuur.com