Ciidamada Ahlu Sunna iyo Alshabaab oo ku dagaalamay Galgaduud

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Ciidamada Ahlu Sunna ayaa saaka aroortii weerar ku qaaday fariisin ciidanka Alshabaab ku lahaayeen deegaanka Goolo goonle oo qiyaastii 80 km koofur uga beegan degmada Guriceel gobolka Galgaduud. ciidanka Alshabaab ayaa xalay saqdhexe soo galay deegaanka kadib markii ay ka war heleen ciidamada Ahlu sunna oo ku wajahnaa deegaankaas.

Dagaalka oo waqti kooban socday ayaa labada ciidan dib u kala sikadeen,  waxaana suurtagal ah in dagaalku markale dib u qarxo, khasaaraha dirirtaan ayaa inta la hubo waxaa ku geeriyooday 2 askari, halka dhaawacu intaa ka badan yahay,  dagaalkan ayaa waxaa gadaal ka riixaya saraakiil ka tirsan ciidanka Ahlu sunna oo kasoo jeedaa deegaanada koofurta Guriceel.

Goobaha dagaalka ka dhacay ayaa ahaa goobo aysan maamulin labada urur, dagaalada nuucaan ah ayaa dhibaato kasoo gaartaa inta badan dadka deegaanka oo reer guuraa u badan. labada dhinac oo dagaalku dhexmaray ayeysan jirin cid ka hadashay dagaalkan.