Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Maxamuud Xasan Baasto oo maanta warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa Magaalada Cadaado, ayuu eedeyn kulul u jeediyey Golaha Iskaashiga Dowlad goboleedyada.
Madaxweynaha ayaa Golaha ku eedeeyey in ay ka dambeeyeen Dilal ka dhacay Hobyo iyo Cadaado, sidoo kale Waxa uu ku eedeeyey in ay hurinayaan colaadda ka taagan deegaano hoostaga degmada Balanbale waqooyiga Galgaduud.
Sidoo kale Madaxweyne Axmed Baasto ayaa Baaq u diray beelaha ku dagaalamaya Balanbale, isoo sheegay in ay ciidan kala dhex dhigi doonaan maleeshiyo beeleedka halkaas ku dagaalamaya.