Waxaa maalintii saddexaad ka socota koofurta gobolka Mudug, gaar ahaan deegaanada ku hareeraysan Magaalada Caad , duqeymo ay geeysanayaan diyaaradaha Maraykanka.
Diyaaradaha ayaa beegsanaya saldhigyada alshabaab ku leeyihiin deegaanada ku hareeraysan Caad oo waqooyi uga beegan degmada Xarardheere gobolka Mudug. Sidoo kale diyaaradaha ayaa duqeyey gaadiid iyo gaari dameero loogu gurmanayey Alshabaabka waxyeeladu gaartay.
Duqeymihii shalay galab dhacay ayaa waxaa markale sheegtay howlgalka Marakaykanka ee qaaradda Afrika ee AFRICOM, waxaana ay sheegeen in duqeyn ay la beegsadeen deegaanka Qeycad(Caad) ay ku dileen 7 askari oo Alshabaab ah. Waxaana tirada guud ee Maraykanku sheegtay in duqeyntaas ku dileen gaaraysaa 44 alshabaab ah.
Dhanka kale Duqeyntii ugu dambeysay ayaa dhacday maanta duhurkii. waxaana dadka deegaanka ka agdhow noo sheegeen in duqeyntii maanta lala beegsaday haraadigii ku haray saldhigii alshabaab ee deegaanka Maamiye.
Sidoo kale 24kii saac ee lasoo dhaafayaa ayaa Diyaarado calaamad cad hawada ku sameynaya lagu arkaa deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud. waxaana la qiyaasayaa in calaamadahaas ku beegan yihiin degmada Ceelbuur oo ah fariisanka ugu weyn Alshabaabka gobolka Galgaduud.