Weerarkii Gaalkacyo oo lasoo afjaray (Sawirro+Warbixin)

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Ciidamada Ammaanka Dowlad goboleedka Galmudug iyo ciidanka Danab qeybta 21aad ayaa goordhow soo afjaray weerar rag ka tirsan Alshabaab ku qaadeen xarunta Cabdiwali Sh. Cali Cilmi yare koofurta Magaalada Gaalkacyo.

Weerarkan ayaa ku bilowday gaari waxyaalaha qarxa laga soo buuxiyey oo lagu dhuftay xarunta, waxaana daqiiqado kadib xarunta gudaha u galay dabley ka tirsan Alshabaab, ciidanka Kumaandoosta iyo ciidamada Galmudug ayaa durba gaaray goobta waxayna ku guuleysteen in ay soo afjaraan howlgalka.

Goobjoogayaal ayaa inoo xaqiijiyey in weerarkan uu ku dhintay Cabdiwali Sh. Cali Cilmi yare iyo 15 ka mid ah xertiisa, dableyda weerarka geystay ayaa watay laba gaari qaraxyo saarnaayeeen. gaariga hore ayaa goobta ku qarxay, halka gaari labaad oo ay ka dageen dableyda weerarka qaaday uu horey u kaxeystay nin rayid kaas oo ku geeriyooday kadib markii uu ku qarxay gaariga goob ka fog halka weearku ka dhacay.

Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegay in weerarka ay fuliyeen 4 nin oo alshabaab, mid ka mid ah raggaas shabaabka ah ayaa waday gaariga goobta ku qarxay, halka 3 kale gudaha u galeen. ciidamada ammaanka ayaa ku guuleystay in dilaan 2 ka mid raggii gudaha ka dagaalamayey, halka ay nolol ku qabteen 1 nin.

Alshabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkan, iyagoo sheegay in ay ku dileen Cabdi Wali Sh. cali Cilmi yare, Dhimashada iyo dhaawac ayaa waxaa suuragal ah in ay kororto. wixii kusoo kordha kala soco ceelhuur.com