Daawo: Taliyaha AMISOM oo ka warbixiyey ciidamada Cadaado soo gaaray

Taliyaha guud ee Howlgalka Amisom Jeneraal Cismaan Subagle oo wareysi siiyey Ceelhuur Online ayaa sheegay in ay magaalada Cadaado u soo gaareen sidii ay ugu qeyb qaadan lahayeen suggidda amniga doorashada ay marti galinayso Magaalada. Waxaana maalintii labaad Magaalada Cadaado soo gaaray ciidamo ka socda wadamada Jabuuti iyo Burundi, waxaana ciidamada Jabuuti sii joogi doona […]

Continue Reading

Dagaal culus oo saaka ka socda galbeed Galkacyo

Dagaal culus ayaa saaka markale dib uga qarxay duleedka galbeed ee magaalada Gaalkacyo,Dagaalka ayaa bilowday saacad ka hor wuxuuna dagaalku u dhaxeeyaa ciidamada Puntland iyo Galmudug. Waxaa labada dhinac ee dagaalamaya oo ah ciidamadii isku horfadhiyay duleedka koonfur galbeed ee magaalada Gaalkacyo ay isku adeegsanayaan hubka culus iyo madaafiicda goobta kuwaasi oo daryankooda laga wada […]

Continue Reading

Galmudug oo ku baaqday in la gargaaro shacabka ku barakacay Colaada Galkacyo

Dowlad goboleedka Galmudug ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay caawa baaq ugu dirtay bulshada Galmudug meel kasta ay joogaan, dowlada federaal, beesha caalamka iyo hay’adaha gargaarka in ay caawiyaan dadka ka barakacay dagaalada ka aloosan magaalada Galkacyo. Ilaa 50,000 oo qof ayaa ka barakacay Galkacyo sida ay sheegtay hay’ada UNCHR, waxaana intooda badan dadkaan ku dhibaataysan […]

Continue Reading

Ceelhuur.com oo heshay Sawirada 22 nin oo ay sii daayeen Burcadbadeedda

Waxaa inoo suurtagashay inaan helno sawirada 22 hayste, oo burcadbadeed Soomaaliyeed sii daayeen kadib afar sanno oo ay gacanta ku hayeen, kooxda burcadda ayaa qaadatay lacag gaaraysa 2.2 malyan dollar maraykanka ah. Dadkan la sii daayey ayaa 13 waxa ay u dhasheen dalka China, halka 9 kale u dhasheen dalka Philipine, waxaana ay shalay ka […]

Continue Reading

Dhageyso: Afhayeenka Galmudug oo ka warbixiyey Ciidamada AMISOM ee Cadaado soo gaaray

Waxaa maanta soo gaaray magaalada Cadaado xarunta kumeel gaarka ah ee dowlad goboleedka Galmudug ciidamo hordhac ah oo ka socda Howlgalka Midowga Afrika AMISOM, ciidamadan ayaa gaaraya ku dhawaad 100 askari. Afhayeenka dowlad goboleedka Galmudug Mudane Cabdullaahi Xaashi Faarax Roob da’ay oo saxaafadda la hadlay ayaa faafaahin ka bixiyey ciidamada maanta soo gaaray magaalada Cadaado, […]

Continue Reading

Ciidamo ka socda Howgalka AMISOM oo Cadaado Soo gaaray

Sida ay inoo xaqiijyeen ilo xog-ogaal ah waxaa goor dhow soo gaaray Magaalada  Cadaado xuranta kumeelgaarka ah ee dowlad goboleedka Galmudug ciidamo ka socda Howlgalka Midowga Afrika AMISOM, ciidamadan ayaa ka socda wadamada Jabuuti iyo Burundi, waxayna keenay diyaarad, ciidamada maanta ayaa tiradadoodu gaaraysa 70 askari, oo hordhac u ah ilaa 400 Askari la filayo […]

Continue Reading

Waa sidee saaka xaalada Magaalada Galkacyo?

Waxaa saaka dagan Xaaladda magaalada Gaalkacyo, kaddib markii shalay galab dagaal xooggan ku dhexmaray galbeed magaalada ciidmada Maamulada Puntland iyo Galmudug,  Waxa ayna isku adeegsanayeen madaafiic iyo hubka culus, dagaalkii shalay uu ahaa mid si saf ballaaran ku socday, isla markaana aanay jirin dhinac wali horumar ka sameeyay dagaalka, marka laga reebo in iyagoo difaacayadooda ku jira inay […]

Continue Reading

Faafaahin dagaal culus oo galabta ka dhacay Galkacyo

Waxaa faafaahino dheeri ah kasoo baxayaan dagaal culus oo galabta bacdal casir ku dhexmaray galbeedka magaalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug ciidamada maamulada Galmudug iyo Puntland. Dagaalka ayaa ka cuslaa dagaaladii hore, waxaana la isku adeegsanayey madaafiic iyo qoryaha darandooriga u dhaca, waxaana xaafadaha magaalada ku dhacayey madaafiic. Dagaalka oo ahaa mid saf balaaran ah ayaan […]

Continue Reading

Daawo: Wasiirkii 2-aad oo maanta iska casilay maamulka Galmudug.

Waxaa maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Cadaado Wasiir dowlaha Qorsheynta Galmudug C/raxmaan Maxamed Cismaan (Seyruuq), isagoo sheegay inuu iska casilay xilkii ka hayey Maamulka Galmudug. Waa wasiirkii labaad oo muddo 24 saac isaga casilay xukuumadda Galmudug, waxaana muuqata in xukuumada madaxweyne Guuleed ay noqotay tusbax furtay, kadib markii ay horey isaga casileen wasiiro kale. […]

Continue Reading