Waa sidee saaka xaalada Magaalada Galkacyo?

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Waxaa saaka dagan Xaaladda magaalada Gaalkacyo, kaddib markii shalay galab dagaal xooggan ku dhexmaray galbeed magaalada ciidmada Maamulada Puntland iyo Galmudug,  Waxa ayna isku adeegsanayeen madaafiic iyo hubka culus, dagaalkii shalay uu ahaa mid si saf ballaaran ku socday, isla markaana aanay jirin dhinac wali horumar ka sameeyay dagaalka, marka laga reebo in iyagoo difaacayadooda ku jira inay rasaas iyo hub culus is weydaarsanayeen.

Xaalada Gaalkacyo ayaa allow sahal aheyd todobaadyadii  u dambeysay, waxaana ka barakacay illaa 50,00  ruux oo ku dhaqnaa labada qeyb ee magaalada u qeybsan tahay, Wada hadalo la doonayay in lagu dhex dhexaadiyo labada dhinac ayaa bur buray, waxaana dhowaan dowladda Itoobiya ay sheegtay inay heshiis nabadeed kala dhex dhigtay Puntland iyo Galmudug, hase yeeshee labada dhinac ayaa warkaas beeniyay.

Comments are closed.