Ciidamo ka socda Howgalka AMISOM oo Cadaado Soo gaaray

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Sida ay inoo xaqiijyeen ilo xog-ogaal ah waxaa goor dhow soo gaaray Magaalada  Cadaado xuranta kumeelgaarka ah ee dowlad goboleedka Galmudug ciidamo ka socda Howlgalka Midowga Afrika AMISOM, ciidamadan ayaa ka socda wadamada Jabuuti iyo Burundi, waxayna keenay diyaarad, ciidamada maanta ayaa tiradadoodu gaaraysa 70 askari, oo hordhac u ah ilaa 400 Askari la filayo in ay soo gaaraan Cadaado.

cdd2111233eeuuuww-620x330

Ciidamadan oo la qorsheynayey in ay Cadaado soo gaaraan 13 bishan, ayaa dib u dhacay sababo aan la ogeyn, waxaana todobaadkii tagay Cadaado lagu doortay xubnaha aqalka sare u matalaya dowlad goboleedka Galmudug, ujeedada imaanshaha ciidamadan ayaa ah sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen ammaanka doorashada xildhibaanadad barlamaanka federaalka oo ka socota Magaalada Cadaado.

Dhanka kale ciidamada itoobiyaha oo horey uga qeyb qaatay suggida amniga shirkii dhismaha Galmudug ee Cadaado ka dhacay ayaan hadda imaan karin, sababo qalalaase ka taagan dalkooda oo ciidamo farabadan dib ugu laabteen, Magaalada Cadaado ayaa ka mid ah 6 xarun oo ay ka dhaceyso doorashada xildhibaanda aqalada sare iyo hoose ee barlamaanka dowlada federaalka ah, waana goobta ugu muhiimsan oo ay ka dhaceyso loolanka ugu adag, marka loo fiiriyo goobaha kale.

Comments are closed.