Soomaaliya u halkeey soconaa maanta sidan Horudhaca uga dhigay qormadeeyda Soomaaliya qaladbaa laga galay,waa Dal duqeydii lagu dooxay lana dayacay waxkastoo xumaan ahna dushiisa sameeyey taa oo ugu danbeyn sababtay in lahaanshiisa uu dhumo.
siyaasadaha isdiidan e dalka kajiraahe waxay sababeen in la la inkiro taariikhda dhulkeena soomaaliya sidoo kale laga been sheego milkiyadiisa ama dadka ku nool taa oo la micno ah in dhulkaasi uu yahay mid faarukh ah ama dad aysanba ku nooleyn.
Dalka soomaaliya oo xili ahaaa Hogaanka dadkii xakh u dirirka ahaa ee qaarada madoow waa nasiib daro dhowr iyo konton sano kadib in isagii la gumeysto ama la boobo.
waxaan shaki ku jirin inaynu guraneyno Dalagii inooga soo go’ay colaadihii sokeeye.
Boholyoow iyo uur kutaalo waxaa ah in soomaalidu wali isku maqantahay. oo ayan ku baraarugin badi boobka bareerka ah ee jiho kasta kasoo wajahaya.
Godadka siyaasadeed ee gumaystuhu soomaalida u aasay waxaa ugu horeeya goboleysiga ama Federaalka oo si qaldan Soomaalida loo fahamsiiyay taasoo Gumeystuhu u arkay inaytahay tan kaliyah ee go,aankeeda uula wadaagi karo Soomaalida, isagoo u muujinaaya koox kastaahi inaytahay dowlad ka gacan sareysa kuwa kale. laakiin waa mid xakhiiqada ka fog.
iska ciideynta iyo wax isku ogolaanshiyo la.aanta soomaalidu waa fursada ugu weyn ee Cadawga Soomaalida waxeyna taasi sababtay in madaxweynayaal isku awood ah ay soomaaliya kasoo baxaan.
waxaan shaki kujirin tan iyo wixii ka danbeeyey burburkii dowladii dhexe ee Soomaaliya in dalalka laysku yiraahdo safka hore sida Kenya iyo Ethopia inay door mug leh kulahaayeen colaadihii iyo masiibooyinii soomaalidu isku geysatay.
waxaase ayaan daraa iyagii oo wata magac nabadeyn inay maanta soomaaliya joogaan.
Ma’ahan waxlala yaabo inaanu maqalno Ethopia oo Sheeganayso Lahaanshiyaha Missouri mar hadeynu aragnay Kenya oo ku doodeysa inay leedahay biyo badeedka Soomaaliya Kenya oo markhaati ka’ahayd Xiligii Dowladii milateriga kolkaasoo Caalamku u saxiixay biyaha laysku heysto Soomaaliya kamana ayan hadlin xiligaa Kenya.
siyaasiyiin badan ayaa qaba in dalalka deriska ahi ay dabraan hogaankasta oo soomaaliya soomara iyagoo hordhiga caqabo badan oo ay ku adkaato inuu ka talaabo waxeyna u adeegsadaan isla soomaalida dhexdeeda.
waxey si gooni gooni ah saaxiib uga dhigteen maamulada dalka kajira qaarkood ayayba toos u farageliyaan siyaasadooda gudaha sida fadhiyada baarlamanka iyo ciidanka.
inagoo og dhibka gumaystaha iyo midnimadu inay ka fiicantahay kalinimada iyo kala qoqobnaanta hadana ma jiro soomaalida dhexdeeda maamul mid kale ogol haduu jirana waa dhif.
su,aashu waxey tahay soomaaliyeey halkeynu u soconaa.
W/Q/ Mahdi Mohamud Halane.
Comments are closed.