Waa kuma Wasiirka ugu da’da yar adunida?

.Shamma Bint Suhail Faris Al Mazrui waxay dhalatay 1994-ti waa siyaasiyad caan ah, waana Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada ee Imaaraadka Carabta. Waxaa xilkaa loo magacaabay Bishii Febraayo 2016, ayada oo markaa noqotay wasiirka ugu da’da yar dunnida. Shamma wuxay ku dhalatay kuna kortay Abu Dhabi, Waxay haysataa Jaamacadda Heerka-koobaad(Bachelor) Dhaqaalaha(Economic) ah ee Jaamacadda New York University […]

Continue Reading

Ma Doonayo In Aan Hooyo Noqdo!!

“Hooyadii Hagaagsan Waa Loo Hanweyn Yahay” Waad la yaabaysaa marka aad aragto haweyney aan rabin in ay hooyo noqoto, bal xoogaa fakir oo waqti yar sii maxay kula noqon kartaa sababaha ka  reebaya hooyanimada? Maxaa ii diidaya? Maxaa iga hortaagan? Maxay tahay caqaabadaha I horyaal?. Sida caadada ah dumarka faaiidada ugu weyn ee ay soo […]

Continue Reading

Soomaaliya siyaasad noocee ah ayay u baahan tahay?

Machadka cilmi-baarista siyaasadda ee Heritage ee fadhigiisu yahay magaalada Muqdisho ayaa soo saaray daraasad cusub oo uu ka sameeyay marxaladaha siyaasadeed iyo kuwa amni ee Soomaaliya ka jira. Daraasadda oo ka koobnayd 6 bog, ayaa lagu sheegay in dowladda federaalka ee uu madaxweyne ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay farogalin ku samaysay dowlad goboleedyada, islamarkaasna […]

Continue Reading

Madaxwayne Farmaajo waxuu muujiyay Bisayl Siyaasadeed 24-saac ee u danbaysay

Madaxweynaha Somalia Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa muujiyay biseyl siyaasadeed 24kii saac ee lasoo dhaafay ,marka la eego go’aankii uu maamul goboleedyadda ugu yeeray shir wadatashi ah 28ka bishan iyo safarkiisa wadamadda dariska ah ee Shalay ka bilaabanaya Uganada. Cidna shaki ugama jiro in Somalia ay ku jirto ciriiri siyaasadeed xiligaan waxaana muhiim ah inuu Farmaajo […]

Continue Reading

Faallo: Khilaafka Galmudug&Saamaynta Golayaasha Federaalka

 In kasta oo Siyaasada Somaliya ku dhisantay awood-qeybsi Qabiil, Marjicna u yahay markii Khilaaf ama Crisis yimaado, hadana waxaa ka xoog badan Qabiilka; Kooxeysi, Xizbiyeysi, Xulafeysi, Wada Qaraabasho iwm. Galmudug waxey ku tiirsantahay 90% Dawlada dhexe Ciidan iyo Dakhli ahaanba, mar kastana waxaa ku abtirsada Madaxweynaha ama Raisal-wasaaraha ama labadaba, Waxeyna Miisaan culus ku leeyihiin […]

Continue Reading

Faallo;Gabbalkii Maamul-Goboleed Miyuu Dhacay! Ama Laba kacleeyay

Markaan eegay/arkay:- Xaaladda Galmudug ee murugsan una dhaxeysa burbur iyo badbaado 50%. Hirshabelle oo ka horeysay, Caga adagna aan ku taagneyn weli. Koofur-galbeed oo Mucaarad-keedii bilaabeen hawl-gal. Puntland oo Odayaashii iyo Isimadii bilaabeen kacdoon ka dhan ah Maamulka iyo heshiisyadii uu galay. Jubbaland oo baaqii ay soo saartay iyo abaabulka Maamulada oo ay dhibsatay Dowladda […]

Continue Reading

Faalo:Muqdisho Qarax uma dhutinayso!!

Kadib Doorashadii Madaxwayne Farmaajo iyo Aasaaskii Ciidanka Xasilinta Caasimada amniga Muqdisho ayaa uu muuqda mid soo yara hagaagaya waxaa yaraaday weeraradii loo adeegsanayay Gawaarida walxaha Qarxa laga buuxiyo iyo dadka Ismiidaaminaya ee lagu weerari jiray Xarumaha Dowladda.Hoteelada iyo goobaha Shacabku ku badan yihiin. Hadana Majiro amni buuxa oo waxaa dhaca Qaraxyo gaysta dhimasho bulsho iyo […]

Continue Reading

Aqoonyahan Caamil”Go’aanka Dowladda Ee Arinta Hirshabeelle Wayku Fududaatay

Aqoonyahan Maxamed Caalim oo ku nool Dalka Filand ayaa ka hadlay Aragtidisa la xariirta Mowqifka Dowladda Federaalka  Soomaaliya ka qaadatay qalalaasaha Siyaasadeed ee Hirshabeelle waxuuna yiri. May ahayn inay Taageerto  go’aankii Baarlamaanka Hirshabeelle ay xilka uga tuureen Madaxweynihii maamulkaas Cali C/llaahi Cosoble. Deegaanka ay matasho maamulka hirshabeelle waxaa degan 32 Qabiil  iyo dhul badan oo […]

Continue Reading

Wax ka ogoow Caqabado dhowr ah oo haysta Qoraayaasha Soomaaliyeed

#caqabadaha_heysta_Qorayaasha_Soomaaliyeed. Kuma soo koobi karo dhibatooyinka heysta qorayasha soomaliyeed balse wax uun baan ka iftiimin doona.   Qorayaasha soomaaliyeed waxa ay maraan dhibaatooyin kala gadisan. Waxa ay maskaxdooda, maalkoda iyo waqtigodaba ubixiyaan soo gudbinta fariin ay u’arkaan in ay bulshada ka daahsoontahay. Waxa ay uhiilinayaan horumarinayaana luqadda soomaaliyeed oo ay wax ku qoraan iyagoo helin […]

Continue Reading