Ma Doonayo In Aan Hooyo Noqdo!!

Arimaha Bulshada Qalinka Qoraaga Wararka Maanta

“Hooyadii Hagaagsan Waa Loo Hanweyn Yahay”

Waad la yaabaysaa marka aad aragto haweyney aan rabin in ay hooyo noqoto, bal xoogaa fakir oo waqti yar sii maxay kula noqon kartaa sababaha ka  reebaya hooyanimada? Maxaa ii diidaya? Maxaa iga hortaagan? Maxay tahay caqaabadaha I horyaal?. Sida caadada ah dumarka faaiidada ugu weyn ee ay soo kordhiyaan inta ay noolyihiin waa caruurta ay dhalaan, hadii aan hooyo la helin suura gal maaha in ilmo la helo, sidaa daraadeed waa muhiin in hooyo fiican la helo.

Inta aanan gudagalin qoraalkan bal jawaab ma u heshay su’aalihii hore dabcan ‘Haa’, wixii ay noqotaba jawaabahaaga ka eeg kuwa kula lamid ah qoraalka hoose, Haweentu waxay u guursataa si ay hooyo u noqoto maalin, waana riyada ugu weyn ay leedahay dumar walba oo diyaar u ah guur, laakiin anigu ma arko sabab aan ku noqdo hooyo, waa run Ma Doonayo In Aan Hooyo Noqdo!!.

Hooyanimadu waa heybad xag alle ka socota oo illaah kugu maneysta, hooyo waa haweenta umusha ilma ay iyadu leedahay, waa suuragal in aad hooyo noqodo laakiin hooyanimada ma ahan in aad ilma un dhasho, imisaa hooyo ah ayaa hadana aan mudneyn in hooyo la yiraahdo hooyanimadu waa mus’uuliyad saaran hooya walba oo ilma leh in sida ay tahay ugudato waajibkeeda way fududahay in hooyo la noqdo laakiin wa adagtahay in hooyo fiican la noqdo

Ilamaha dhal un maaha

Dhaxanta ku daa maaha

Dhuuniga u diid maaha

Dhowrristooda dayac maaha

Dhalaanku ma mudnee dhibaate

 ka dhowr wixii dhiba!!”

howl walba oo la qabanaayo hadii loo fuliyo  si hufan waxaa laga dareemaa mira dhalkeeda sida lamid ah hadii aad noqoto hooyo fiican waxaad ka arkaysaa ubadkaaga,  Si aad u noqoto hooyo wanaagsan waxaa lagaaga baahan yahay in aad si fiican u gudato waajibaadkaaga hooya nimo sida, daryeelka ubadkaaga xanaaneynta ilmahaada ilaalinta caruurtaada qaabeynta noloshooda ogaanshaha dareenkooda,iyo dhisida mustaqbalkooda.

Waxa aad u baahantahay si aad u noqdo hooyo fiican:-

  • In aad jeclaato ilmahaada shuruud la’aan
  • Marnaba cunugaada ha dhaawicin
  • U sameya waxa  fiican  ilmahaada mar walba
  • baahida cunugaaga ka hor mari taada
  • Marwalba ilmahaaga ku horeyrsii wax fiican
  • Waa in aad dareensantahay in waxa ugu muhiimsan adduunka uu yahay ilmahaada
  • waa inaad diyaar u ahaato in ay wax walba wanaaga ku bixiso ilmahaada
  • Waa in aad ku faraxsan tahay la jooga caruurtaada mar walba
  • Waa in aad dareyntaa waxa kaliya ee ay u baahan tahay noloshaada si aad u dareentid farxad in ay yihiin ilmahaada
  • Waa in aad dareyntaa farxad marwalba marka aad caruurtaada eegto
  • Waa in aad awoodaa in aad xannaaneyso carruurta maalintii oo dhan adiga oo aan u baahnayn nasasho

Ma Doonayo In Aan Hooyo Noqdo, ee waxaan doonayaa in aan noqdo hooyo fiican!!

FG: ujeedada qoraalkaan waxan filayaa in aad si fiican u fahantay in hooyo la helo waxaa ka wanaagsan in hooyo Fiican la helo MAHADSANID

Qore/ Hafsa Haji

Hafsahaaji@gmail.com

Ceelhuuronline