Home » Qalinka Qoraaga » Faalo:Muqdisho Qarax uma dhutinayso!! Date :August 28, 2017 Author :Cali Yare

Faalo:Muqdisho Qarax uma dhutinayso!!

Kadib Doorashadii Madaxwayne Farmaajo iyo Aasaaskii Ciidanka Xasilinta Caasimada amniga Muqdisho ayaa uu muuqda mid soo yara hagaagaya waxaa yaraaday weeraradii loo adeegsanayay Gawaarida walxaha Qarxa laga buuxiyo iyo dadka Ismiidaaminaya ee lagu weerari jiray Xarumaha Dowladda.Hoteelada iyo goobaha Shacabku ku badan yihiin.

Hadana Majiro amni buuxa oo waxaa dhaca Qaraxyo gaysta dhimasho bulsho iyo burbur hantiyadeed Muqdisho bishiii ugu yaraan labo mar ayaa lamaqlaa daryanka Qaraxyada haba kala yaraadaan Qasaarahooduye waana mid ka kamid noqday noloshad caadi ah.

Su’asha is waydiinta mudan waxay tahay Caqabad intee la eg ayuu Qaraxu ku hayaa hormarka Muqdisho?

Hormarka Baladka iyo Bulshada Muqdisho maaha mid u hakanaya Qaraxyo gilgila ee baa-biya Dad iyo hanti waxaad arkaysa waqtiga Qaraxu dhacay in Ciidanka Amnigu gaarayaan goobta wax ka dhaceen waxayna xiraayaan Wadooyinka soo gala aaga Qaraxu ka dhacay Gawaarida gurmadka dad-waynaha ayaa iyaguna imaanaya oo qaadaya qasaaraha dhimasho iyo dhawac ee Bulshada.

Mudo yar kadib waxaa goobta soo gaaraya Kooxaha Nadaafada ee Gobolka Banaadir iyo bulsho is xilqaantay oo ujeedkoodu yahay nadiifinta Meeesha Qaraxu ka dhacay waxay qabanayaan howl boogadin mudan, Waxaadna arkaysaa goobtii wax ka dhaceen oo sidii hore ka nadiifsan

Ma arkaysid dhiig iyo Burburka dhismaaysha  Qaraxu  saameeyay iskaba daa burburka Gaarigii qarxee. korontada Qaraxu saameeyay ee goobtaas ayaa daqiiqado kadib la dayactirayaa irdaha Ganacsiga ayaana markii caadi kusoo labanaya asbuuc wax lamida waxaa dhib u dhis lagu samaynayaa  dhismayaaashii qaraxu burburshay waxaadna arkaysaa dhisme kii hore  ka qurxoon oo qaraxa ayaa ka qayb qaata bilicda Muqdisho.

Isku socodka Gaadiidka dad-waynaha iyo is dhaxgalka Bulshada ayaysan waxba iska badalayn waxaadna mooda meel waligeed amni ahayd marka aad dadka muqdisho joogay  10kii sano ee qaraxyadu ruxayeen la sheekaysato waxay kuu sheegayaan in ay caadi aktooda ka  noqotay qarax dhaca iyo qof la dilaa mar hadii aysan Gudaha magaalada ka dhacayn weeraro iska hor imaad ah.

Qorbajoogtii dalka uga cararay dagaalada ayaa dhankoooda fahmay Nolosha dariska la ah Qaraxda waxayna dib ugu soo  laabanayaan dalka ayagoo samaynaya maal gashi xowli ah oo dhan walba leh

Waxaana arintaan u sabab ah

1-Dadka Soomaaliyeed oo 100% Muslim ah waa dad aaminsan Nolosha iyo geerida ogna in ruux an tiisu galin uusan dhimanayn dadka inta hartayna looga baahan yahay alle ka cabsi iyo shaqo aduunyo.

2-laqabsiga Dowlad la’aanta.Mowjadaha Qaraxyada iyo didlalka dadka haldoorka ah waa arintakale ee Nolosha bulshada muqdisho caadiga ka dhigtay.

Muqdisho hada waxaa ka dhaca Qaraxyo gaysta Qasaare Nafeed oo aan badnayn waxaana u sabab ah howlaha Amniga lagu xaqiijinayo oo kor loo qaaday Ciidanka Xasilinta ayaana ka hortagay dhowr Qarax oo lala maaganaa goobo muhiim ah waxaa udanbeeyay kii 27kii bishaan ka dhacay Wadada Maka Al-mularama mana gaysan Qasaare dhimasho marka laga reebo 4ruux oo dhawacantay Ciidanka Amniga ayaa helay xogta Qaraxa waxayna xireen wadada ayagoo joojiyay isku socodka dadka iyo gadiidka sida Saraakiisha amigu Xaqiijiyeen.

 

W/Q Cali-Yare Adam

Ceelhuur.com

105 total views, 2 views today