Dugsiga Hoose/Dhexe ee Cumar Alfaaruuq ee magaalada Cadaado ayaa lagu soo gabangabeeyey tartan aqooneedka sanad dugsiyeedkan 2016/2017, waxaana ugu dambeyn ku tartamay Fasalada Sideedaad Iyo Lixaad Waxaana Guuleystay Sideedaad, waxaana Tartankan Socday Mudo Ka Badan Todobo Bilood.
Munaasabadda gabangabeynta tartankan ayaa waxaa Furay Madaxa Waxbarashada Degmada Cadaado Mudane Xasan Calas Qaareey, Waxaa Intii ay Socotay Lagu Soo Bandhigay suugaan Looga Hadlayo Waxqabadaka Hay’adda Waxbarashada Iftiin oo maamusha dugsigaan.
C/qaadir Sayid Axmed oo ka socday HAYAT FOUNDATION oo dhanka caafimaadka ka shaqeysa iyo Maama Siraad ayaa khudbado qiime leh goobta ka jeediyey, waxayna bogaadiyeen dadaalka ay Iftiin ku bixisay ardayda Soomaaliyeed gaar ahaan deegaanada Galmudug.
Munaasabadda ayaa waxaa soo xiray Cismaan Macalin Xassan Geelle oo ka mid ah Madaxda Hay’adda Iftiin, waxaana fasalada kaalmaha fiican galay la gudoon siiyey hadiyado.
Dugsiga Hoose/Dhexe ee Cumar Alfaaruuq ayaa la furay 2009, waana Dugsigii ugu horeeyey ee ay furto IFTIIN, waxaana Hay’adan hadda gacanta ku haysaa ilaa 10 iskool oo ay bixiso dhaqaalaha ku baxa.